NEWS Shirkadda Isgaarsinta Somtel Oo Xaflad Weyn Ku Guddoonsiisay Gaari Hyunda Ah Macmiil Ku Guuleystey

0
Saturday October 23, 2021 - 20:25:26 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWS Shirkadda Isgaarsinta Somtel Oo Xaflad Weyn Ku Guddoonsiisay Gaari Hyunda Ah Macmiil Ku Guuleystey

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa xaflad balaaran u qabatay macamiilkii ku guuleystay gaarigii 2aad Hyunda-ga ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadaiyadood.

Munaasabada ayaa waxaa lgu qabtay Hoolka casriga ah ee Xayat market Hall iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socoto DFs, Bahda awaxbarashada, ururada dhalinyarada, ururada haweenka ,Maamulka gobalka banaadir Ururka ay kumideeysanyihiin jaamacadaha qaarkood (Somali Ren), ururka macalimiinta soomaaliyeed

Sidoo kale waxaa munaasabada soo xiray guuleystihii lagu abaalmariyay gaariga 2aad oo shirkadda Tikit ay ujartay Si uu uga soo qeyb-galo munaasabada isagoo ka yimid magaalada buur-hakaba ee xarumta gobalka baay

Ugu horeyntii waxaa munaasabada daah-furay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane;c/Laahi Cali Caamir oo soo dhaweeyay martisharafta ka soo qeyb-gashay munaasabada

" Waxaan Caawa marag ka ah bulshada soomaaliyeed in gaarigii 2aad aan ku wareejineeyno macaamiilkii ku guuleystay oo aan ka keenay buur-hakaba si loo gudoonsiiyo gaarigii uu ku guuleystay sanadkaan waxaa soo kordhinay adeegyo casri ah sida adeegga (eSum) oo isticmaali karto adigoo wax simcard ah Telefoonkaaga gelinin si gaar ah macaamiishii isticmaasha Mobilada IPhonada Waxaan sidoo kale soo kordhinay adeegyada kaabe, keydso,eDahab Chatbot waxaa intaas sii dheer inan xarigii 2aad ee internet ah kaasoo badda hoostiisa mara oo aan ka hergelinay dalka Shirkadda ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood waxa ay ku qarash- gareysay ku dhawaad 1Million oo doolar si ay wax ugu celiso bulshada soomaaliyeed waxan hubaal ah in somtel hadiyado wax ku ool ah ay bulshada ku celisay sida gaari Hyundai qiimihiisu uu yahay ku dhawaad &40,000 bajaajyo midkiiba qiimihiisu uu yahay ku dhawaad $4000 & hadiyado kale oo qiimo badan sida Dahab, laptop-yo Mobiules .i.w.m) waxaan sidoo kale bixinay inta ololaha socday ku dhawaad 6,000 hadiyadood oo ka kooban hadiyaha kor ku xusan iyadoo macaamiisheenna an wali la abaalmarin aan u rajeyneyno nasiib wacan bisha ka harsan ololaha Marka uu dhamaado waxa loo tartami doonaa Dhismaha Dahab Tower Appartments & xafiisyo ka mid ah dabaqa ugu dheer soomaaliya ee muqdisho laga dhisaayo”

Waxaa sidoo kale munasabada ka hadlay Mudane: Sh C/Xayi Sh Adam Xasan oo ku dheeraaday ah miyada munaasabada & in somtel bulshada soomaaliyeed wax ku celiso

" Waxaa xusid mudan inan xaadir u ahaa habeenkii la daah-furay ololaha ku shubo oo guuleyso munaasabadii lagu qabtay Elite Hotel Waxaan qirayaa ololahaan ku shubo oo guuleyso inuu yahay mid daah-furan oo macaamiisha ku shubashada sameeysa si daah-furan loo abaalmarinaayo Caawa gaariga waxaa ku guulweystay oo la gudoonsiinayaa macaamiil reer arlaadii ah oo buur-hakaba ka yimid waxaan leeyahay hambalyo tani waxay tusaale cad u tahay in ololahaan u ku dhisay daah-furnaan & cadaalad iyadoo macaamiishu fursado isku mid ah ay heystaan halkuu doono ha joogo xamar & gobolada inataba Sida i macaamiishii ku guuleysatay labada gaari ee Hyundai-ga ah labadii bilood ee la soo dhaafay oo bil walba 1 gaari lagu guuleystay iyadoo nunaasabada lagu abaalmariyay mamo beeralley danyar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan iyadoo bulshada hortooda lagu abalmariyay dharaar cad”

Waxaa sidoo kale munasabada ka Gudoomiye ku xigeenka jaamacada simad Dr Mxed Mxud oo ka dhawaajiyay

"Waxaan caawa ku faraxsnahay inaan ka soo qeyb-galo xaflada lagu abaalmarinaayo macaamiilkii aan gacanteyda ugu Generate gareeyay labo todobaad ka hor waliba nasiib wanaag macaamiilkaas maka imaanin gobalkii an ka imid nasiibkiisa ayaa saaciday Macaamiilka waxaan leeyahy nasiib wacan C/raxmaan nuur maxamed waxaan rajeeynayaa in gaariga so socdo sidaan oo kale aan xaadir ugu noqdo xafladaha todobaadlayaasha ee lagu kala saarayo macaamiisha sameysay ku shubashada todobaad walba Somtel waa shirkaddi ganacsi ugu horeeysay ee bulshada ku celisay10,000 hadiyadood iyadoo la timid hal abuur ganacsi & istaraatiijiyado ku cusub suuqa ganacsiga soomaaliya”

Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray Maareeyee ku xigeenka Somtel ahna Madaxa howl-fulinta guud ee shirkadda Mudane: Adan Xaji Yusuf oo ku timaamay munaasabadaan

" waxaa Sharaf weyn inoo ah in caawa aan abaalmarineyno macaamiilkii mku guuleystay gaariga labaaad ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood olalahan Taabagalay oo shirkaddu soo waday mudo sedex bilood ah waxaana ku abalmarina macaamiil kasta Isticmaalkiisa & ku shubashadii uu sameeyay waah ab ganacsi oo ku cusub dalka Waxaan halkaan ka xusayaa in bahda waxbarashada aan u diyarinay xarun tababar aan ugu magac Darnay ( Somtel technology training center) oo lagu tababari dooni ardayda wax kabaratajaamacadaha dalka oo (Internship)-ka ku siin doono somtel iyadoo kaalin nug leh ka geysaneeyso waaxda farsamada somtel oo isku howli doonta fududeynta tababarada arday kuliyadaha (Engineering & information technology,Computer science) intaba waxaa tababaro ku siin doonaa hoolkan ardayda wax ka barata kuliyadaha (Busines Adminstarion, Marketing) oo loo fidin doono tababaro kuwooda kalimaha hore ka gala imtixaanka shirkadda shaqqaaleeysiin doonto marka ay soo dhameeystan (Casual Marketing Training) Waxaan ku soo gunaanadayaa in shirkadda Dahabshil ay badbaadisay shirkaddii telco moo burbur qarka u saarneynd Markii uu Maxamed Saciid Ducaale uu iibsaday waxa uu badbaadiyya 600 sahaqaalee oo xuquuqdoodii la siiyay loo ogolaaday inay shaqadoodoo si wataan Maanta awaxaa somtel ka shaqeeysa ku dhawaad 1300 shaqaale shirkaddu hormar balaaran ayey ku talaabsay ilaah mahadii

Waxaan ugu baaqayaa in macaamiisheena ay u tartamaan gaariga sedexaad oo aan bixin doono dabayaaqada bisha November 2021 sidaan oo kale xaflad balaaran oo aan ku casuuni doono bulshada qeeybaheeda kala gedisan

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay ay somtel macaamiisheeda ku abaalmariso gari Hyundai dabayaaqadii bisha august ayey shirkaddu gaari Hyundai qiimihiisu uu yahay ku dhawad 40,000 ku abaalmarisay maama Madiino Xuseen Yaxye ooo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan iyadoo caawa gaarigii 2aad la gudoonsiiyay C/raxmaan Nuur Mxamed oo ka yimid magaalada buur-hakaba ee gobalka bay waxa uu nasiib u yeeshay gaarigii 2aad oo ay somtel macaamiisheeda ku abaalmarisay iyadoo la filaayo bisha November in loo tartamo gaarigii 3aad waxan u rajeeyneeynaa macamiil ka mid ah macaamiisha shirkadda oo kuguuleysta gaariga Hyundai-ga gobal,degmo & tuulo halkii uu doono ha joogee,





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip