Canqowga Kama Jabin Divock Origi Iyadoo La Sugayo Natiijada Baaritaankiisa & Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay.

0
Thursday April 21, 2016 - 11:21:02 in Sports News by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Canqowga Kama Jabin Divock Origi Iyadoo La Sugayo Natiijada Baaritaankiisa & Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay.

    Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay in Divock Origi uu jab ka soo gaaray canqowga kulankii ay Liverpool 4-0 ku xaaqday deriskooda Everton, iyadoo weeraryahanka lagu sameyn doono baaritaano dheeri ah si loo ogaado inta uu gaarsiisan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay in Divock Origi uu jab ka soo gaaray canqowga kulankii ay Liverpool 4-0 ku xaaqday deriskooda Everton, iyadoo weeraryahanka lagu sameyn doono baaritaano dheeri ah si loo ogaado inta uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

21 jirkaan ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankiisii ugu horeysay ee Merseyside derby ee uu ku soo bilowdo, waana goolkiisii 10aad ee xilli ciyaareedka iyo goolkiisii shanaad ee bishaan, laakiin waxaa garoonka looga saaray bareelo ka dib markii uu qalad xun kala kulmay Ramiro Funes Mori bilowgii qeybta labaad.

Daafaca reer Argentina ayaana casaan ku qaatay qaladkaas, waxaana Reds ay tahay inay sugto natiijada baaritaanka si loo ogaado inta ay gaarsiisan tahay dhibaatada weeraryahanka.

3041632_heroa

Isagoo u hadlayay warbaahinta ka dib ciyaartii xalayto, Klopp ayaa yiri: "Weli ma aanan arkin qalad. Weli kama daawanin telefishinka. Hadaan daacad u hadlo dhaawacaan wuxuu qiimotirayaa guusheena.

"Caadiyan haddii aad ii sheegi laheyd ciyaarta ka hor inaan ku badin doono 4-0, waxaan dareemi lahaa si ka duwan sida aan haatan dareemayo.

"Laakiin haatan waxaan ka hadleynaa ciyaarta iyo xaaladaan – waa inaan sugno ilaa baaritaanada ugu danbeeya. Xaqiiqdii waa xilli hore in laga hadlo.

"Markii aan imid, cid walba oo aragtay muuqaalada waxa ay u maleynayeen inuu jab jiro. Laakiin jab ma jiro.

"Waxaan Divock ugu tagay qolka labiska, waxaana arkay isagoo dhoolacadeynaya. Canqowga wuu laabmay sidaasi darteed waa inaan aragno waxa ku dhacay seedaha. Waana sida ay tahay. Wax intaas ka badan ma oran karo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip