Cristiano Ronaldo Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Ay Xalay Madrid Guusha Ka Gaartay Villareal Iyo Zidane Oo Ka Hadlay

0
Thursday April 21, 2016 - 11:19:22 in Sports News by
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Ay Xalay Madrid Guusha Ka Gaartay Villareal Iyo Zidane Oo Ka Hadlay

    Xidiga koxda Real Madrid ee Cristian Ronaldo ayaa dhaawacmay dhamaadkii kulanii xalay Real Madrid guusha ka gaartay kooxda Villareal oo ay ku garaaceen 3-0 kadib goolal ka kala yimid Benzema, Vazquez iyo Modric.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga koxda Real Madrid ee Cristian Ronaldo ayaa dhaawacmay dhamaadkii kulanii xalay Real Madrid guusha ka gaartay kooxda Villareal oo ay ku garaaceen 3-0 kadib goolal ka kala yimid Benzema, Vazquez iyo Modric.

Cristiano ayaa awoodi waayay inuu dhameysto ciyaarta marii uu xanuun dareemay kadib markii uu haleeli waayay labaaley uu rabay inuu ku dhaliyay waqtigii dhimashada ee kulankii xalay taasoo keentay in badal lagu sameeyo.

Zidane oo saxaafada la hadlayay ka hor kulankaan ayaa yiri "Wuxuu Cristiano ciyaarta uga soo baxay si uu u hubiyo waxa ku dhacay, wuxuu dareemay xanuun sidaasi darteed wuxuu qaatay go’aan ahaa inuu xaqiijiyo waxa jiro”.

Ronaldo

"Waan walwalay markii aan arkay, aad ayaan uga murgay laakin markii aan qolka labiska ku arkay wuxuu ahaa nin caadi ah, waxaan dareemay inuu caafimaad qabo laakin beri ayaan arki doonaa waxa dhaca, waa la qiimeyn doonaa xaalkiisa subaxnimada beri ah”

Cristiano ayaa markii ugu horeysay xili ciyaareedkaan badal lagu sameeyay kulan horyaalka isagoo marwlaiba hore u soo dhameystay 90 ka daqiiqo ee kulan waliba inkastoo uu yahya 31 sano jir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip