LA OGAADAY! Xiddigaha Diirada U Saaran Chelsea Xagaaga Iyo Shax Ciyaareedka Uu Antonio Conte Ka Hirgelin Doono Stamford Bridge.

0
Thursday April 21, 2016 - 11:18:10 in Sports News by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LA OGAADAY! Xiddigaha Diirada U Saaran Chelsea Xagaaga Iyo Shax Ciyaareedka Uu Antonio Conte Ka Hirgelin Doono Stamford Bridge.

    Antonio Conte ayaa wada qorshe weyn oo uu doonayo inuu dib ugu dhiso kooxda Chelsea xilli ciyaareedka danbe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Conte ayaa wada qorshe weyn oo uu doonayo inuu dib ugu dhiso kooxda Chelsea xilli ciyaareedka danbe.

Macalinka xulka qaranka Talyaaniga Cone ayaa lagu yaqanaa inuu ka mid yahay tababarayaasha dhanka taatikada ugu fiican Yurub, waxaana uu doonayaa inay Blues u soo bedelato shax ciyaareedka 4-2-4 marka uu qabto shaqada kooxda ka dhisan galbeedka London ka dib ciyaaraha qaramada Yurub, waxaana uu durbaba sii qortay xiddigaha ku haboon fekradihiisa.

Waxaana ay la micno tahay in jamaahiirta Chelsea inay filan karaan xilli ciyaareedka danbe kubad xamaasadeysan oo weerar ah isagoo isku dayaya inuu si duufaan ah ku soo galo horyaalka Premier League.

Antoine-Griezmann-Javier-Pastore-Radja-Nainggolan-and-Leonard-Bonucci-Chelsea-badge

Conte ayaa shax ciyaareedka 3-5-2 u isticmaalay xulka Azzurri, waxaana la filayay inuu shax ciyaareedkaas ka hirgeliyo kooxda Chelsea laakiin waxa ay taasi la micno noqoneysaa inuu isku shaandheyn weyn uu ku sameeyo daafaca.

Laakiin jariirada Daily Mirror ayaa ogaatay in macalinkii hore ee Chelsea inuu u sheegay raga suuqa kala iibsiga ka shaqeeya iyo wakiilo inuu doonayo inuu qaab sidaas ka duwan oo ku haboon kubada cagta Ingariiska inuu ka hirgelin doono Blues.

46 jirkaan ayaa aaminsan ciyaar furan oo weerar ah islamarkaana ku haboon kubada cagta Ingariiska, gaar ahaan markii uu arkay in ninka ay isku wadanka yihiin Claudio Ranieri inuu ku najaxay xilli ciyaareedkan shax ciyaareedkiisa Leicester City ee 4-4-2.

Antonio-Conte-badge

Conte oo lagu yaqaano shax ciyaareed difaac adag ah ayaa 4-2-4 u isticmaalay kooxda kale ee Talyaaniga ee Bari markii uu bilaabayay waayihiisa tababarenimo.

Chelsea ayaa indhaha ku heysa weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka Faransiiska Antoine Griezmann, waana xiddiga ugu weyn ee ay bartilmaameedsanayaan xagaaga, taasoo fariin cad u diri doonta kooxaha kale ee tartanka kula jira.

Conte ayaa sidoo kale ku rajo weyn in xiddigaha weerarka ee Eden Hazard iyo Diego Costa inay sii joogaan Stamford Bridge, isagoo doonaya inuu kooxda sii adkeeyo halkii uu waayi lahaa xiddigahiisa ugu waa weyn.

Everton-vs-Chelsea

Madaama uu kubad weerar ah ciyaarayo waxa uu suuqa ka raadin doono gooldhaliye kale oo ka garab ciyaara Costa, lacag qaali ah oo lagula soo wareego Griezmann ayaana ku haboon shax ciyaareedkaas.

Kubadsameeyaha PSG Javier Pastore ayaa isna ah xiddig kale oo diirada u saaran, halka xiddiga Roma Radja Nainggolan uu u sareeyo liiska xiddigaha khadka dhexe ee uu doonayo.

Daafaca dhexe ee Juventus iyo Italy Leonardo Bonucci ayaa isna ah xiddig kale oo uu isha ku hayo, halka weeraryahanka PSG Zlatan Ibrahimovic uu jeclaan lahaa inuu u wareego London.

Chelsea ayaa haatan isha la raaceysa xiddigo badan oo xagaaga diirada u saraan iyadoo Conte uu doonayo inuu na madadaaliyo xilli ciyaareedka danbe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip