Hordhaca Kulanka Adag Ee Meryside Derby Ee Liverpool Vs Everton, Klopp Oo Wajahaya Kulankisii Ugu Horeeyay Ee Deby-ga Meryside

0
Wednesday April 20, 2016 - 11:30:23 in Sports News by
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulanka Adag Ee Meryside Derby Ee Liverpool Vs Everton, Klopp Oo Wajahaya Kulankisii Ugu Horeeyay Ee Deby-ga Meryside

    Kooxda Liverpool ayaa kulan aad u adag gurigeeda ku soo dhaweyneysa kooxa ay dariska yihiin ee Everton kuwaasoo sabab u ahaa in bilowgii xili ciyaareedkaan shaqada laga ceyriyo macalinkii hore ee kooxda Liverpool ee Brendon Rodgers kadib barbaro ay k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayaa kulan aad u adag gurigeeda ku soo dhaweyneysa kooxa ay dariska yihiin ee Everton kuwaasoo sabab u ahaa in bilowgii xili ciyaareedkaan shaqada laga ceyriyo macalinkii hore ee kooxda Liverpool ee Brendon Rodgers kadib barbaro ay ku soo galeen garoonka Goodson Park.

Klopp ayaa qaban doono kulankiisii ugu horeeyay ee Meryside Derby iyadoo kooxda Toffes ka ay ka talaabi doonaan Stanley Park si ay ula soo ciyaaraan kooxdaan dariska ay yihiin oo ay 10 dhibcood ka sareyso.

Kulanka:Liverpool Vs Everton

Saacada Geeska Afrika:10:00 Habeenimo

Garoonka:Anfield

Wararka Labada Koox:

Klopp ayeey markale qasab ku noqon doontaa inuu kala go’aansado cidii uu soo xulan lahaa Divock Origiiyo Sturridge cidii hogaamin laheyd weerarkiisa iyadoo labada xidigba ay ku soo laabteen qaab ciyaareedkoodii caadiga ahaa sidoo kalena ay shabaqa soo taabanayeeyn dhawaanahaan, Origi ayaa dhaawac dhabarka ah ka cabanaya halka Sturridge uu taam buuxa yahay.

Christian Bentekeayaa wali dhaawacan halkaMartin Skrtel, Jordan HendersoniyoEmre Can ay wali dhaawac ku sii maqnaan doonaan, sidoo kale waxaa la filayaa inuu shaxda kooxdiisa dib ugu soo celiyo markale Simon Mignolet,Philippe CoutinhoiyoMamadou Sakho.

Firmino ayaa la filayaa inuu noqdo ninka kaliya ee kulankiisii sadexaad ee xiriri ah ku bilowdo kadib markii uu si toos ah ugu lug yeeshay sanadaan 2016 isagoo sideed jeer shabaqa soo taabtay halka uu afar kale caawiyay.

Liverpol vs everton

Everton, ayaa dhanka kale weyn doonta adeega daafacyadeedaSeamus ColemaniyoPhil Jagielkawaxayna labadaba qabaan dhaawac kubka ahLeighton Bainesayaa sidoo kale shaki ku jiraa kulankaan halkaAaron LennoniyoTom Cleverleyayaa la qiimeyn doonaa laakin waxaa la filayaa inuu kooxda dib ugu soo laabtaanJames McCarthy, Barkley iyo Lukaku, weeraryahanka Belgium ayaa shan gool ka dhaliyay todobadii kulan ee u danbeysay ee uu wajahay Liverpool.

 

Ma Og Tahay:

Kulankaan ayaa noqon doon kii 275aad ee Meryside Derby, Liverpool ayaa garaacday dhigeeda 114 halka Everton ay wadato 82 guul mudadaas.

Liverpool ayaana marna guuldaro kala kulmin 10 kii kulan ee u danbeysa ee ay labada koox kulmaan iyagoo sadex jeer guuleysatay halka ay todobo jeer barbaro, guushii ugu danbeysay ee Everton ay ka gaarto dhigeeda Reds iyadoo tii ugu danbeysay ay timid kulan ka dahcay Goodison Park bishii October 2010.

Toffees ayaana wax guul ah ku gaarin Anfield 16 kii jeer ee ugu danbeysay ee ay booqatay Anfield sagal jeer ayeey barbaro ku soo galeen halka todobo jeer laga adkaaya.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox

Liverpool:


Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Milner, Lucas, Lallana; Firmino, Origi, Coutinho

Everton:
Joel; Connolly, Stones, Funes Mori, Oviedo; Besic, McCarthy, Barkley; Deulofeu, Lukaku, Mirallas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip