Hordhaca Kulanka Man United Vs Crystal Palace, Red Devils Oo Rajeyneysa Iney Ka Faa'ideysato Barbarihi Dariskooda Ee Xalay

0
Wednesday April 20, 2016 - 11:29:14 in Sports News by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulanka Man United Vs Crystal Palace, Red Devils Oo Rajeyneysa Iney Ka Faa'ideysato Barbarihi Dariskooda Ee Xalay

    Manchester United ayaa soo dhaweyneysa kooxda Crystal Palacekulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonka Old Trafford habeenimada caawa ah, ghuul ay ka gaaraan kooxdaan ayeey farqiga dhibcaha ugu soo yaren doonaan kooxaha kaalmaha sare kujira ee Arsena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa soo dhaweyneysa kooxda Crystal Palacekulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonka Old Trafford habeenimada caawa ah, ghuul ay ka gaaraan kooxdaan ayeey farqiga dhibcaha ugu soo yaren doonaan kooxaha kaalmaha sare kujira ee Arsenal iyo Mancester City xili ay kooxda ay dariska yihiin ee Citizens ay xalay qasaarisay labo dhibcood kadib markii ay barbaro la soo galeen kooxda Newcastle.

Kulanka:Man United Vs Crystal Palace

Garoonka:Old Trafford

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Habeenimo

Wararka Labada Koox:

Man United ayaa ciyaareysa kulankaan iyadoo rajeyneysa iney kasoo laabato guuldaro weyn oo ka soo gaartay kooxda Tottenham waxaana uu macalinka kooxdaas uu sheegay ineysan jirin wax dhaawac ah soo gaaray kooxdiisa kulankiii ugu danbeeyay.

Ander Herrera ayaa kasoo laabanaya dhaawac uu ku maqnaa dhowrkii todobaad ee ugu dnabeysay, laakin wuxuu qiray in da’yarka Rashford uu daal dareemayay laakin uu u ciyaarsiiyay sababtoo ah wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed fiican laakin wuxuu qirtay inuu kulankaan keydka ugu soo bilaabo da’yarkaan.

Taas ayaa ka macno ah in Wayne Rooney uu markale hogaanka u qabto weerarka kooxda wuxuuna kabtanka United rajeynayaa inuu noqdo xidiga labaad ee taariikhda Premier league hal garoon ku dhaliyo 100 gool waxaan taas hore u sameeyay kaliya Thierry Henry(114 garoonka Highbury).

Sidoo kale Anthony Martial iyo Timothy Fosu-Mensah ayaa rajeynaya iney dib ugu soo laabtaan shaxda kooxda koowaad laakin Phil Jones,Bastian Schweinsteiger,Adnan JanuzajiyoLuke Shaw ayaa wali maqan.

manchester_united_vs_Crystal_Palace

Palace, ayaan war farxad leh ka helin kulankii ugu danbeeyay ee ay la ciyaareend Arsenal iyadooJoel Ward,Joe Ledley,Yannick BolasieiyoScott Dannall ay dhamaan xanuuno uga bexeen kulankaas,James McArthurayaa la filayaa inuu kooxda kus oo laabto halkaBrede Hangeland uu mari doono tijaabo xili danbe ah laakin waxaa kulankaan seegi doona Dwight Gayle, sidoo kaleWilfried Zaha,Bakary Sako iyo Emmanuel Adebayor ayaa rajeynaya iney dib ugu soo laabtaan shaxda kooxda koowaad.

Ma Ogtahay:

Manchester United waligeed kulan Premier League oo ay la ciyaarayaan Crystal Palace ma yasan guuldareysan iyadoo 10 guul iyo sadex barbaro ay kala wataan.

Palace ayaa ku guuildareysatay iney 10 kulamadaasd 13 shabaqa soo taabtaan waxaana kamid ahaa shan kulan oo kamid ah lixdii kulan ee ay booqdeen Old Trafford halkaasoo aysan xataa hal kulan shabaq nadiif ah kala soo laabta waxayna guushii ugu dnabeysay ee ay ku soo gaareen halkaas ay timid 1-0 bishii October 1970.

Shaxdaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Man Utd:De Gea; Fosu-Mensah, Smalling, Blind, Rojo; Schneiderlin, Fellaini, Lingard, Mata, Martial; Rooney

Crystal Palace:Hennessey; Ward, Mariappa, Delaney, Souare; McArthur, Jedinak, Zaha, Puncheon, Sako; Adebayor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip