Falaanqeynta Kulanka Deportivo Vs Barcelona, Bluagrana Miyeey Ka Soo Laaban Doontaa Musiibada Ku Habsatay Xiliga Ugu Muhiimsan Xili Ciyaareedka ?

0
Wednesday April 20, 2016 - 11:27:45 in Sports News by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Deportivo Vs Barcelona, Bluagrana Miyeey Ka Soo Laaban Doontaa Musiibada Ku Habsatay Xiliga Ugu Muhiimsan Xili Ciyaareedka ?

    Barcelona ayaa u safri doonta kooxda Deportivo oo labadii kulan ee u danbeysay ay la ciyaarto ay kala kulmeen barbaro iyadoo kulankii ugu dnabeeyay ee xili ciyaareedkii hore uu ku dhamaaday barbaro 2-2 ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa u safri doonta kooxda Deportivo oo labadii kulan ee u danbeysay ay la ciyaarto ay kala kulmeen barbaro iyadoo kulankii ugu dnabeeyay ee xili ciyaareedkii hore uu ku dhamaaday barbaro 2-2 ah.

Kulanka:Deportivo La Coruna Vs Barcelona

Saacada Geeska Afrika:9:00 habeenimo

Garoonka:RiazorStadium

Wararka Labada Koox:

Barcelona ayaa wajihi doonta kooxda Deportivo iyagoo ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu xumaa tan iyo markii uu Messi kaliya 15 jir ahaa waxayna kaliya hal dhibic ka heleen afartii kulan ee ugu danbeysay,Jérémy Mathieu, Sandro Ramírez iyoThomas Vermaelen ayaa dhamaan seegi doona kulankaan iyadoo Arda Turan uu shaki weyn ku jira halka Gerard Piqué uu ka ganaaxan yahay sidaas darteed waxaana u safri doonin Riazor shan ciyaartooy oo Barca ah, Rafinha Alcântara ayaa taam u noqon kara kulankaan.

Deportivo-La-Coruña-vs.-Barcelona

Dhanka kooxda Branquiazuiswaxay xili ciyaareedkii hore ahaayeen kuwo layaab leh iyagoo u laabashad aheerka labaad kaga baxsaday kadib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen kooxdaan, waxaana xidiga ugu muhiimsan ah Lucas Pérez kaasoo diyaar u ah kulankaan.

Ma Ogtahay:

Kulankii barbraha ahaa ee Barcelona 2-2 Deportivo La Coruña ee 12 December 2015 ee La Liga ayaa sabab u ahaa in kooxda Depor ay sii joogto horyaalka xili ciyaareed kale iyagoo ka badbaaday u laabshada heerka laabad.

Shaxaha Macquulka Ah Ee labada Koox:

Barcelona (4-3-3): Bravo; Alves, Bartra, Mascherano, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar

Deportivo (4-2-3-1): Manu; Laure, Sidnei, Navarro, Pablo; Mosquera, Borges; Juanfran, Fajr, Cani; Lucas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip