Harry Kane Iyo Dele Alli Oo Dib U Soo Kiciyay Hamiga Horyaalka Ee Tottenham Iyagoo Guul Weyn Ka Gaaray Stoke City.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:23:23 in Sports News by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harry Kane Iyo Dele Alli Oo Dib U Soo Kiciyay Hamiga Horyaalka Ee Tottenham Iyagoo Guul Weyn Ka Gaaray Stoke City.

    Qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigtay kooxda Tottenham ayaa keentay inay shan dhibcood u soo jirsadaan kooxda hogaanka Premier League heysa ee Leicester City ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Stoke City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigtay kooxda Tottenham ayaa keentay inay shan dhibcood u soo jirsadaan kooxda hogaanka Premier League heysa ee Leicester City ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Stoke City.

Kooxda macalin Claudio Ranieri ayaa barbaro 2-2 la galay maalintii axada kooxda West Ham, waxaana ay Spurs ka faa’ideysatay inay ku soo dhawaato iyadoo afar kulan ay ka harsan tahay horyaalka.

Gool uu dhaliyay Harry Kane daqiiqadii 9aad ayaa qalqal ku abuuray kooxda Spurs ka hor inta uusan Dele Alli ka dhigin 2-0 bartamihii qeybta labaad.

3029142_heroa

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee MK Dons ayaa ka dib seegay fursad gool banaan, laakiin neef ayaa ka soo fuqday markii uu Kane dhaliyay goolkiisii labaad islamarkaana uu natiijada u xaqiijiyay kooxdiisa, halka Dele Alli uu isna helay goolkiisii labaad ka dib markii uu shabaqa ku hubsaday kubada ciyaarta oo sideed daqiiqo harsan.

Goolashaan ayaa ka dhigan in Spurs ay tahay kooxda ugu goolasha badan horyaalka, halka ay sidoo kale sitaan rikoorka difaaca ugu fiican, kooxda Stoke ayaa iyadana waxaa laga rajo tiray hamigeedii ahaa kaalinta lixaad iyagoo aan badinin kulankii seddexaad ee isku xigta ee gurigooda lagu ciyaaro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip