Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeey geerida dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho

0
Saturday September 25, 2021 - 13:17:14 in Wararka by
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeey geerida dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeey geerida dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ugu yaraan siddeed qof ku dhimatay siddeed kalena ku dhaawacmeen, kadib markii gaari lagu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska ceelgaabta.

"Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay bogga Villa Somalia.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka, balse kooxdu ma aanay sheegin tirada dadka ay dileen ama dhaawaceen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip