gabadha ka shaqeynaysay Xafiiska Rooble ee ku dhimatay qaraxa

0
Saturday September 25, 2021 - 13:50:55 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    gabadha ka shaqeynaysay Xafiiska Rooble ee ku dhimatay qaraxa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hibaaq Abukar Xasan oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mid noqotay sideedda qof ee ku dhimatay weerarka ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa isku qarxiyay bar kontorool oo lagu baaro gaadiidka ku wajahan dhanka Madaxtooyada Somaliya.

Hibaaq Abukar Xasan oo ka tirsaneyd qaybta haweenka ayaa u ololeyn jirtay arrimaha qoyska iyo haweenka.



Dadkii la shaqeynayay waxay sheegeen inay ahayd gabar aad u firfircoon oo shaqada ku wanaagsan.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid gabadhaasi.

"Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, oo ka mid ahayd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagixisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taala Isgoyska Ceelgaab.” Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Safaaradda Sweden ee Somaliya ayaa dhanka kale ka tacsiyadeysay geerida ku timid Hibaaq Abukar. Safaaradda ayaa geerideeda ku sheegtay khasaare weyn oo soo gaaray Somaliya.

"War aad looga naxo ayaa ka imaanaya Muqdisho. Hibaaq waxay ahayd hormuudka dhabta ah ee xuquuqda haweenka. Tacsi tiiraanyo leh ayaan u direynaa qoyska Hibaaq. Waa khasaare weyn oo soo gaaray Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip