Hordhac: Newcastle v Manchester City – Sky Blues Oo Dooneysa Inay Xajisato Kaalinta 3aad Xilli Newcastle Ay U Dagaalameyso Sii Joogitaankeeda EPL.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:20:30 in Sports News by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Newcastle v Manchester City – Sky Blues Oo Dooneysa Inay Xajisato Kaalinta 3aad Xilli Newcastle Ay U Dagaalameyso Sii Joogitaankeeda EPL.

    Newcastle v Man City Kulanka: Premier League Garoonka: St James Park Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Kevin Friend

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Newcastle v Man City Kulanka: Premier League Garoonka: St James Park Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Kevin Friend

Dagaalka ay ugu jirto Newcastle inay ka badbaado heerka labaad ayaa weli socda iyagoo caawa la ciyaaraya kooxda Manchester City.

Guushii ay Newcastle ka gaartay Swansea sabtidii ayaa ka dhigtay inay kooxda Rafa Benitez kaliya labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda Sunderland, halka ay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda ku jirta booska lagu badbaado ee kaalinta 17aad Norwich City.

Manchester City ayaa iyagana ku soo laabtay qaab ciyaareed fiican bishii April iyagoo badiyay seddex kulan oo horyaalka ah islamarkaana wareega 8da Champions League ku garaacay PSG iyagoo markii ugu horeysay taariikhdooda u gudbay wareega afar dhamaadka.

NUFC-v-MCFC

Ka dib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Chelsea, kooxda Manuel Pellegrini ayaa soo gashay kaalinta seddexaad, waxaana ay seddex dhibcood ka sareyn karaan kooxda kaalinta afaraad ee Arsenal haddii ay ku badiyaan garoonka St James Park.

Haddii Sergio Aguero uu ku soo bilowdo islamarkaana uu gool ka dhaliyo Newcastle, waxa uu noqon karaa ciyaaryahankii labaad ee sida ugu dhakhsiyaha badan ku gaaray 100 gool horyaalka Premier League ka dib Alan Shearer oo 124 kulan ku dhaliyay 100 gool.

MAXAA KA CUSUB?

Kabtanka Newcastle Fabricio Coloccini ayaa weli dhaawac kubka ah ku maqan, waana uu seegayaa kulanka caawa ee Manchester City.

Daryl Janmaat ayaa isna sidoo kale diyaar aheyn sababtoo ah dhaawacyo uu ka qabo gumaarka iyo gacanta.

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany iyo Raheem Sterling ayaa ku soo laabtay kooxda, waxaana ay diyaar u yihiin inay ciyaaraan, David Silva ayaa isna weli dhaawac ku maqan.

Kompany ayaa seegay lix kulan isagoo la maqnaa dhaawac kubka ah, halka Sterling uu seegay shan kulan ka dib dhaawac gumaarka ka soo gaaray.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Newcastle United:Darlow, Anita, Lascalles, Mbemba, Dummett, Wijnaldum, Sissoko, Colback, Tiotte, Townsend, Ayoze Perez

Manchester City:Hart, Sagna, Otamendi, Mangala, Clichy,Nasri, Jesus Navas, Fernandinho, Fernando, De Bruyne, Aguero

MA OGTAHAY?

  • Manchester City ayaa badisay 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen kooxda Newcastle.
  • Waxa ay dhaliyeen 23 goolal lixdii kulan ee Premier League ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Newcastle, kuwaasoo mudadaas dhaliyay kaliya hal gool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip