SDPA : Baaq ku wajahan Dar-Dargalinta Doorashooyinka Aqalka Hoose Ee Federaalka Soomaaliya

0
Saturday September 25, 2021 - 09:16:17 in Wararka by
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SDPA : Baaq ku wajahan Dar-Dargalinta Doorashooyinka Aqalka Hoose Ee Federaalka Soomaaliya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Anigoo ah Mataan Ali Hassan Somali muwaadin ah, sidoo kale ah madaxa Madasha Dhaq-dhaqaaqa Siyaasada Somalida Qurba-joogta Ee aan Dowliga aheyn. Sidoo kale ah Siyaasi u Dhaq-dhaqaaqa Siyaasada Somalida Qurba-joogta Ee aan Dowliga aheyn SDPA- Somali Diaspora Political Non- State Actors Ee caasimada Stockholm, Sweden.

Waxaa dowladnimadeena ragaadiyay iyo dib-udhiska dowladnimada Soomaaliyeed qilaafyo joogta ah oo aan ku salaysneyn hanaan dastuuri ah iyadoo aan laga fakareyn sidii dib-udhiska dowladnimadda iyo dib u habeynta hay,adaha dowladda iyo haygalka dowladnimo loo gaari lahaa.

Marka waxaan doonayaa in aan Dadkayga iyo Dalkayga in aan la wadaago khatarta weyn Ee ii uu muuqata oo ah hadii doorashada dib- u dhacdo. Marka waxaan baaq dar-dargalinta doorashooyinka aqalka hoose ee Federaalka Soomaaliya u dirayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban Ee heer Fedraalka Soomaaliya 2020-2021.

Waxaan soo dhawaynayaa dadaalka dhax-dhaxaadinta ay waday dowlad goboleedka Galmudug iyo in xal loo helo khilaafka ka dhexjiray mus,uuliyiinta ugu sareysa dalka Madaxweynaha muda-xileedkiisa dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Ee dowlada federaalka.

Waxaan aad iyo aad uga walaacsanahay fashilka ku yimid dhex-dhexaadintii laga dhexwaday Madaxweynaha mudaxileedkiisa dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Ee howsheeda tahay dar-dargalinta doorashooyinka amniga qaranka iyo howlaha kale ee xukuumadda intii laga gaaraayo xukuumadda xilka kala wareegi lahayd ama inta laga dooranaayo gudoomiyaha cusub Ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Xussen Rooble waana ayaan daro in madaxdii mudaxileedkoodu dhamaatay ay xiligan xal gaari waayaan khilaafka soo dhexgalay oo aan ku salaysneyn mid dastuuri ah. Maadaama dalka uu hadda galay jawi doorasho oo hadda ay soo gabagabowday doorashooyinkii Aqalka Sare oo ka mid ahaa labada aqal ee sharci dajinta ee dalka Ee heer dowlad gobeleedka xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaan u mahadcelinyaa dhamaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada federaalka sida wanaagsan oo usoo dhamaystireen xubnaha aqalka sare ee ku matala maamul goboleedyadodowlada Federaalka Soomaaliya, maadaama ay harsan yihiin tiro aad u yar oo xubnihii u matali lahaa aqalka sare balse waxaan ka rajaynaynaa in ay soo dhamaystiraan sida ugu maxquulsan uguna dhaqsiyaha badan.

 

Waxaan baaq u dirayaa Guddiga doorashooyinka dadban Ee federaalka Soomaliya 2020-2021. iyo xubnaha kala duwan ee guddiga doorashooyinka dadban Ee federaalka Soomaliya in ay horey usii wadaan howshooda loo igmaday oo aysan ku milmin khilaafka ka dhex-jira madaxda dowlada federaalka, waayo waajibaadkooda waxaa waaye in dalka ay gaarsiiyaan in ay ka dhacdo doorasho loo wada dhanyahay iyada oo latixraacayo qodobbadii lagu heshiiyay 17 September 2020.

Iyo waliba iyada oo latixraacayo heshiiskii lagu gaaray dowlad goboleedka Koofur Galbeed Baydhabo 17 February 2021.

Waxaan sidoo kale baaq u dirayaa Gudoomiyaha Mudane Maxamed Xasan Maxamed Rooraaye Ee Guddiga doorashooyinka dadban Ee federaalka Soomaliya 2020-2021. In qabashada doorashooyinka aqalka hoose Ee barlamaanka federaalka la dar-dargaliyo iyadoo la raacaayo jadwalka doorashooyinka ee heshiisyadii ay ka gaareen Madaxda Federaalka iyo Kuwa maamul goboleedyadda oo xubno ka ah dowladda Federaalka iyadoo la tixraacayo habraaca hirgalinta heshiisyada siyaasadeed 2020-2021.

(Waxaan u Taaganahay Dhowrista Hanaanka Dowladnimo Ee Loo Dhan Yahay kuna Salaysan Soomalinimadda)

Mudane: Mataan Ali Hassan





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip