Kenya oo heegan ugu jirta in ay diiddo go'aanka murunka soohodinta badda ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ)

0
Saturday September 25, 2021 - 09:13:09 in Wararka by
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo heegan ugu jirta in ay diiddo go'aanka murunka soohodinta badda ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
owladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.Maxkamadda ICJ ayaa go'aankeeda ku dhawaaqi doonta 12-ka Oktoobar, iyadoo soo afjaraysa dacwad daba-dheeraatay oo u dhaxaysay labada dal ee deriska ah.

Maxkamaddu waxa ay go'aankeeda ku saleyn doontaa iyadoo cuskanaysa xeerarka caalamiga ah, dhammaystirka xuduud badeedka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta Hindiya.


Waqtiga xukunka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa sannad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda al –Shabaab, waxaa sidoo kale taas loo arkaa "dharbaaxi wejiga looga dhuftay Kenya”.

Wargeyska afka dheer ee The Nation ee kasoo baxa Kenya, ayaa ku waramaya in Kenya aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda, iyo in madaxda ugu sareysa dowladda Kenya ay qaadan doonaan go'aan ay kaga hor imaan doonaan xukunka maxkamadda.

Dowladda Mareykanka ayaa hadda ka hor diidday go’aamo ka soo baxay Maxkamadda sanadihii 1986 iyo 2018. Kenya waxa ay go’aanka Maxakamdda ICJ ee muranka soohodinta badda u arki doontaa mid aanan loo marin "waddo xalaal ah”. Kenya waxa ay ku doodeysaa in aanan la tixgelinin codsiyo badan oo ay u soo gudbisay Maxkamadda, waxaana ka mid ah in garsoorayaasha kiiska laga saaro ninka Soomaaliga ah ee la yiraahdo Axmed Yuusuf.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip