Ka Dib Goolashii Harry Kane Ee Xalayto Maxaa Iska Bedelay Tartanka Gooldhalinta Horyaalka Premier League?

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:18:50 in Sports News by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Dib Goolashii Harry Kane Ee Xalayto Maxaa Iska Bedelay Tartanka Gooldhalinta Horyaalka Premier League?

    Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa sii dheereystay hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League ka dib markii uu labo gool xalayto ka dhaliyay kooxda Stoke City oo kooxdiisa Tottenham ay ku badisay 4-0.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa sii dheereystay hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League ka dib markii uu labo gool xalayto ka dhaliyay kooxda Stoke City oo kooxdiisa Tottenham ay ku badisay 4-0.

Labada gool uu dhaliyay weeraryahanka Ingariiska Harry Kane ayaa ka dhigan goolashiisii 24aad ee xilli ciyaareedkan horyaalka Ingariiska, waxaana uu labo gool ka sareeyaa xiddiga ku soo xiga Jamie Vardy oo leh 22 gool ka dib goolkii uu isbuucaan ka dhaliyay kooxda West Ham.

Laakiin dhibaato ayaa ku soo wajahan Jamie Vardy iyadoo la filayo inuu ganaax ku maqnaado seddex kulan oo ka mid ah afarta kulan ee ka harsan horyaalka ka dib markii ay xiriirka kubada cagta Ingariiska dacwad ku soo oogeen ka dib casaankii uu qaatay kulankii West Ham.

Vardy And Kane

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa ku jira kaalinta 3aad kaasoo leh 21 gool ka dib seddexleydii uu sabtidii ka dhaliyay kooxda Chelsea, wuxuuna caawa fursad u heystaa inuu wax ku darsado goolashiisa isagoo ka horimaanaya kooxda dhibtooneysa ee Newcastle. Sidoo kale Aguero ayaa baadigoobaya goolkiisii 100aad ee Premier League.

Kala Sareynta Gooldhalinta Premier League:

24 gool – Harry Kane

22 – Jamie Vardy

21 – Sergio Aguero

18 – Romelu Lukaku

16 – Riyad Mahrez

14 – Odion Ighalo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip