Iker Casillas Oo Ka Hadlay Tartanka Horyaalka La Liga, Mushkilada Barcelona Heysata, Tartanka Champions League Iyo Waxyaabo Kale.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:17:24 in Sports News by
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iker Casillas Oo Ka Hadlay Tartanka Horyaalka La Liga, Mushkilada Barcelona Heysata, Tartanka Champions League Iyo Waxyaabo Kale.

    Iker Casillas ayaa ka hadlay waxa ka socda horyaalka La Liga isagoo Madrid u joogay howlo shaqo oo uu ka xayaysiinayay shaambada madaxa lagu meyrto ee Head & Shoulders. Waxa uu sidoo kale ka hadlay mushkilada Barcelona iyo kooxda ku guuleysan doo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iker Casillas ayaa ka hadlay waxa ka socda horyaalka La Liga isagoo Madrid u joogay howlo shaqo oo uu ka xayaysiinayay shaambada madaxa lagu meyrto ee Head & Shoulders. Waxa uu sidoo kale ka hadlay mushkilada Barcelona iyo kooxda ku guuleysan doonta Champions League.

Isagoo ka hadlayay tartanka horyaalka La Liga:"Waa horyaal xiiso leh. Xaqiiqda ah in Madrid ay fursad u heysato inay ku guuleysto xilli ay u muuqatay wax aan macquul aheyn waxa ay u fiican tahay cid walba. Waa seddex kooxood oo waa weyn laakiin waxaan rajeynayaa in ugu danbeyn ay Madrid ku guuleysato.”

Isagoo ka hadlayay markii ugu danbeysay ee ay Madrid sidaan oo kale horyaalka ugu dagaalantay waxa uu yiri:"Madrid xilli ciyaareedkoodaan wuxuu la mid yahay kii Capello, waxaana rajeynayaa inuu si la mid ah ugu dhamaado. Waqtigaas waxaan ku dhegnay horyaalka madaama aysan jirin wax kale oo aan u tartameynay. Waxa ugu fiican ayaa ah inay ku soo laabteen tartanka horyaalka oo ay dhiseen filasho.”

1460998493_267292_1461004161_noticia_normal

Zidane:"Waxaan rajeynayaa in Zidane uu najaxo. Dhamaanteen waan ku riyaaqnay howshii uu qabtay markii uu ciyaaryahan ahaa, waxaana rajeynayaa inuu guulo badan u soo hooyo Madrid isagoo tababare ah.”

Mushkilada Barcelona"Ma aqaano sababaha ka danbeysa mushkilada Barcelona, waligey ma gelin qolkooda labiska. Marka kubada ay diido inay shabaqa gasho, wax walba ayaa mushkilad noqda natiijooyin xuna waa ay raacaan. Haddii aad ii sheegi laheyd seddex isbuuc ka hor inay arintaan dhaceyso, kuma aamineen. Waan ku faraxsanahay sababtoo ah Madrid ayaa haatan ku dhow, waana wax markii hore u muuqday mustaxiil.”

Inuu ciyaaraha ka fariisanayo"Waxaan arkay Rafa Nadal isbuucaan, waxaana uu igu yiri ‘Ilaa iyo inta aan ku riyaaqayo ciyaarista tennis-ka waan sii socon doonaa.’ waxaan ereyadiisa u isticmaali karaa nafteyda, ilaa iyo inta aan ku riyaaqayo kama tagayo ciyaarta, inkastoo aan haatan 34 sanno jir ah waligeey ma ciyaari doono.”

Champions League:"Madrid ayaa ugu cadcad. Barca iyo Bayern ayaa ugu xooganaa, laakiin ka dib markii aan arkay Atletico oo reebtay kooxdii koobka heysatay waa inaad iyagana xisaabta ku darsataa. Dhamaan afarta kooxood waa ay gaari karaa Milan”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip