Dele Alli Oo Rikoor Cusub U Dhigay Premier League Ka Dib Goolashii Uu Xalayto Ka Dhaliyay Stoke City.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:16:00 in Sports News by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dele Alli Oo Rikoor Cusub U Dhigay Premier League Ka Dib Goolashii Uu Xalayto Ka Dhaliyay Stoke City.

    Dele Alli ayaa rikoor cusub u dhigay Premier League isagoo noqday xiddigii khadka dhexe ee ugu da'da yaraa ee dhaliyay 10 gool ama ka badan hal xilli ciyaareed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dele Alli ayaa rikoor cusub u dhigay Premier League isagoo noqday xiddigii khadka dhexe ee ugu da'da yaraa ee dhaliyay 10 gool ama ka badan hal xilli ciyaareed.

20 jirkaan ayaa labo gool u dhaliyay kooxda Tottenham kulankii ay 4-0 kaga badiyeen xalayto kooxda Stoke City taasoo ka dhigtay inay goolashiisa gaareen 10 gool iyo sagaal caawin 32 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan.

Alli ayaa ka mid ahaa xiddigaha sida weyn uga dhex muuqda kooxda Tottenham tan iyo markii uu heshiis shan milyan ginni ah uga soo wareegay kooxda MK Dons xagaagii hore.

Guushii ay ku gaareen xalayto garoonka Britannia Stadium ayaa ka dhigan in Tottenham ay shan dhibcood u soo jirsatay kooxda hogaanka heysa ee Premier League iyadoo afar kulan ay ka harsan tahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip