Cesc Fabregas Oo Ka Sheekeeyay Sababtii Ku Dhalisay Inuu Isaga Tago Kooxdiisa Hore Ee Barcelona Kuna Biiro Chelsea.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:12:15 in Sports News by
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cesc Fabregas Oo Ka Sheekeeyay Sababtii Ku Dhalisay Inuu Isaga Tago Kooxdiisa Hore Ee Barcelona Kuna Biiro Chelsea.

    Fabregas ayaa ka soo baxay akadeemiga La Masai ee Barceona, waxaana uu isagoo da' yar u dhaqaaqay Arsenal halkaasoo uu kabtan ka noqday ka hor inta uusan Camp Nou ku laabanin sannadii 2011 markii uu joogay Pep Guardiola.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fabregas ayaa ka soo baxay akadeemiga La Masai ee Barceona, waxaana uu isagoo da' yar u dhaqaaqay Arsenal halkaasoo uu kabtan ka noqday ka hor inta uusan Camp Nou ku laabanin sannadii 2011 markii uu joogay Pep Guardiola.

Xiddiga khadka dhexe ayaa waxaa doortay Guardiola si uu uga caawiyo inuu ka bedesho shax ciyaareedka 4-3-3 oo uu u bedesho 3-4-3 si ay ugu adkeeyaan ciyaarta kooxaha ka horimaanaya.

Fabregas ayaa la ciyaarsiinayay door xor ah oo khadka dhexe ah waxaana uu inta badan booska la wadaagayay Lionel Messi.

cescfabregaspepguardiola-cropped_6dmlnm9muak1plnuzrouncev

"Wixii uu doonayay Guardiola ayaa aheyd inuu bedelo shax ciyaareedka. Ka dib seddex sannadood oo ay heer fantastik ah ka ciyaarayeen islamarkaana ay ku guuleysteen waxyaabo badan, waxa uu dareemay in kooxaha kale ay la qabsanayaan shax ciyaareedka Barcelona ee 4-3-3” ayuu Fabregas u sheegay Sky Sports.

"Wuxuu doonayay inuu ku ciyaaro nidaam sidaas ka duwan, seddex daafac ah, afar khadka dhexe oo ay sii dheer tahay in Lionel Messi uu gadaal u soo dego, wuxuu doonayay inuu khadka dhexe maamulo islamarkaana ciyaartoyda garbaha ay hanjabaad joogta ah ku noqdaan daafacyada.

"Haa, waan ku riyaaqay sababtoo ah xoriyad badan ayaan heystay. Waxa ay ii sheegeen inaan ka ciyaaro hadba meesha aan dareemayo inaan halis ku ahay, waana jeclahay howsha ceynkaas ah sababtoo ah waa sida booska No. 10 balse leh maskaxda gooldhaliye.

"Waxaa jiray arin kale oo Xavi ah sanandii 2010 ka hor Koobka Adduunka waxa uu igu yiri ‘Waa inaad inoo timaado, seedaha ayaan ka xanuunsanahay, wax badan ma sii ciyaari doono’ – ka dibna waxa uu sii ciyaaray shan sanno kale, taasna ima aysan caawinin” ayuu ku kaftamay Fabregas.

"Laakiin boqolkiiba 100 ima aysan caawinin waxaa joogay xiddigo badan oo khadka dhexe ah”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip