Arsene Wenger Oo La Fajacay Heerka Uu Gaarsiisnaa Xad-gudubkii Uu Kala Kulmay Jamaahiirta Arsenal Kulankii Crystal Palace.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:10:22 in Sports News by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo La Fajacay Heerka Uu Gaarsiisnaa Xad-gudubkii Uu Kala Kulmay Jamaahiirta Arsenal Kulankii Crystal Palace.

    Arsene Wenger ayaa amakaak ka qaaday heerka uu garsiisnaa xad-gudubkii uu kala kulmay jamaahiirta Arsenal ka dib barbarihii ay kooxdiisa la gashay kooxda Crystal Palace.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger ayaa amakaak ka qaaday heerka uu garsiisnaa xad-gudubkii uu kala kulmay jamaahiirta Arsenal ka dib barbarihii ay kooxdiisa la gashay kooxda Crystal Palace.

Taageerayaal careysan oo u dhawaa kursiga keydka ee Arsenal ayaa aflagaadooyin aad u xun u geystay tababare Wenger iyadoo ku qeylinayay hadalo xad-gudub ku ah tababaraha Arsenal.

Sida ay sheegeen goob joogayaal, waxa ay aheyd aflagaadadii iyo xadgudubkii ugu xumaa ee Wenger loo geysto mudadii 19ka sanno aheyd ee uu joogay Arsenal.

Arsenal-v-Crystal-Palace

Waxa ay u sheegeen inuu kooxda ka tago iyagoo si joogta ah u oranayay "f*** off” iyadoo jawiga taageerayaasha Emirates uu isku bedelay mid aad u xun.

Goob jooge ayaa u sheegay Daily Mirror: "Waa qasab inuu ka warqabay aflagaadada loo geysanayay. Aad ayay ugu dhawaayeen, aflagaado shaqsi ah oo xun ayay aheyd. Waxa aheyd kuwii ugu xumaa ee abid ay dadku arkaan.”

Wenger ayaa durbaba sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo, isagoo doonaya inuu dhameysto sannadkiisa ugu danbeeya ee qandaraaskiisa 8da milyan ginni sannadkii.

Laakiin xitaa taageerayaasha ugu daacadsan ayaa haatan bilaabaya inuu ka dhamaado sabarkii ay u hayeen Wenger inkastoo uu guulo waa weyn kooxda gaarsiiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip