Sawirro: Jack Wilshere Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeysay Ee Muddo Toban Bilood Ah Xilli Uu Dhaawac Kale Ka Badbaaday.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:07:25 in Sports News by
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Jack Wilshere Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeysay Ee Muddo Toban Bilood Ah Xilli Uu Dhaawac Kale Ka Badbaaday.

    Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal iyo England Jack Wilshere ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee muddo 10 bilood ah iyadoo kooxda Gunners ee da'dooda ka hooseysa 21 sanno ay guuldarro 2-1 ah xalayto kala kulmeen dhigooda West Brom. 24 jirkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal iyo England Jack Wilshere ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee muddo 10 bilood ah iyadoo kooxda Gunners ee da'dooda ka hooseysa 21 sanno ay guuldarro 2-1 ah xalayto kala kulmeen dhigooda West Brom. 24 jirkaan ayaa ku soo laabtay garoomada kulankii ay da' yarta Arsenal la ciyaareen dhigooda Arsenal horaantii bishaan ka dib markii uu ka soo kabsaday lug ka jabtay bishii August.

Ka hor kulankii xalayto, goolkiisii ugu danbeysay wuxuu u dhaliyay wadankiisa iyadoo xulka Roy Hodgson ay 3-2 kaga badiyeen Slovenia bishii June.

JACK-MAIN_2807785a

Wilshere ayaa ciyaaray shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu horeysay ee isreebreebka koobka qaramada Yurub ee xulka England, wuxuuna rajo ka qabaa in lagu soo darro xulka England ee ka qeybgalaya Euro 2016.

Jack Wilshere ayaa sidoo kale ka badbaaday dhaawac kale isagoo cabsi ku abuuray kooxda Arsenal ka dib markii uu dhameystay 90 daqiiqo oo kubada cagta ah.

Jack-Wilshere-playing-for-Arsenal-U21-against-West-Brom02_18211020_d3d617_2807714a03_18211020_47fa88_2807715a1

Waxa uu ka xanuunsaday jilibka midig wax yar ka hor waqtigii nasashada, waxaana lagu dhex daweeyay garoonka iyadoo baraf laga saaray jilibka.

Laakiin waa uu sii watay ciyaarta ka dib markii ay daweeyeen shaqaalaha caafimaadka, waxaana haatan uu doonayaa inuu qeyb ka noqdo kulanka habeenka khamiista ee ay Arsenal Emirates kula ciyaari doonto West Brom.

23




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip