Real & Bayern Oo Ku Dagaalamaya Harry Kane, Sanchez Oo Bayern Looga Yeerayo, Mata Oo Aan Hubin Mustaqbalkiisa Old Trafford Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah.

0
Tuesday April 19, 2016 - 12:04:55 in Sports News by
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real & Bayern Oo Ku Dagaalamaya Harry Kane, Sanchez Oo Bayern Looga Yeerayo, Mata Oo Aan Hubin Mustaqbalkiisa Old Trafford Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah.

    Maalinwanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Talaadoah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinwanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Talaadoah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas'uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor qoran yahay.

Kooxaha waa weyn ee Yurub Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa isha la raacaya weeraryahanka Tottenham Harry Kane oo 22 sanno jir ah, waxaana ay weydiisteen in lala socodsiiyo qorshaha mustaqbalka ee ciyaaryahanka. (London Evening Standard)

Manchester City ayaa ku dhow inay la soo wareegto 25 jirka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Ilkay Gundogan iyadoo kooxda Jarmalka ah ay diiday inay beeniso in heshiis lagu dhow yahay. (Manchester Evening News)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay 25 milyan ginni dalab ah ka gudbiso weeraryahanka Atletico Madrid Antonio Griezmann iyagoo heshiis mushahar ahaan qaali ah ku keenaya Stamford Bridge. (Daily Mirror)

Wargeysyada

Haddii Jose Mourinho uu helo shaqada Manchester Uniyed, waxa uu la soo wareegi doonaa Zlatan Ibrahimovic, xiddiga 18 jirka Benfica Renato Sanches iyo daafaca Everton 21 sanno jirka John Stones. (The Sun)

Kooxda ceyrsaneysa horyaalka ee Tottenham ayaa ka baxday xiisihii ay u heysay 19 jirka weerarka ka ciyaara ee Fulham Moussa Dembele kaasoo ay Chelsea ku martiqaaday inuu daawado kulankoodii Stamford Bridge ee Manchester City. (Daily Mail)

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa loogu baaqay inuu dhameystiro u wareegitaanka kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich, waxaana baaqaas u soo jeediyay ninka ay isku wadanka yihiin Arturo Vidal. (Metro)

Chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta goolhayaha Southampton Fraser Forster haddii goolhayaha reer Belgium Thibaut Courtois oo 25 sanno jir ah uu kooxda ka tago. (Daily Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Leicester City N’Golo Kante ayaa noqon kara ciyaaryahan diirada u saaran kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus ka dib markii Claudio Marchisio uu dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka (Gazzetta dello Sport)

Liverpool iyo Arsenal ayaa boqolkiiba 80 fursad ah u heysta inay la soo wareegaan 23 jirka khadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Granit Xhaka. (Bild)

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mikel Arteta oo 34 sanno jir ah ayaa ku biiri kara kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London ee Tottenham xilli ciyaareedka danbe isagoo qeyb ka noqonaya shaqaalaha tababaraha Mauricio Pochettino. (Daily Star)

Manchester United ayaa u sheegtay Michael Carrick oo 34 sanno jir ah inay doonayaan inay qandaraas cusub u soo bandhigaan laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku qasban inuu sugo ilaa iyo inta la kala cadeynayo booska tababaraha. (The Sun)

Xiddiga khadka dhexee Spain Juan Mata oo 27 sanno jir ah ayaa wajahaya hubanti la’aan la xiriirta mustaqbalkiisa, cid walba oo Old Trafford tababare ka noqota xilli ciyaareedka danbe. (Manchester Evening News)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip