INDHOOL WAHAABI AH !!!.

1
Friday September 17, 2021 - 08:57:12 in Wararka by
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INDHOOL WAHAABI AH !!!.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Caalimiin badan oo Muslim ah ayaa jiro, oo indhoolayaal ah, Diintana aad u yaqaan, Cilmi badanna laga bartay/laga barto, kuwaa oo aan aheyn "Culumaa’u Sulda” kuwa Xafiisyada Madaxda laga xakumo. Dhamaantood Khayr Alla ha siiyo.

Laakin:
Maxaa Shuruuda Muftiga Sucuudiga looga dhigaa in uu yahay Nin Wahaabiya oo da’ ah oo weliba indhool ah, kana soo jeedo faracii Maxamed Cabdulwahaab, asaasihii Wahaabiyada?
Waxaa Xilkaa hore loogu magacaabay Indhoolayaal wahaabi ah, Sida:
 
1. Maxamed ibn Ibrahim Ala-Sheikh 1953–1969. indhool.
(kadibna xilkaa waa la baabiyay 1969-1993).
 
2. kadibna waxaa loo magacaabay, Abdulcasiis Bin Cabdulaahi Bin Baas ayaa loo magacaabay 1993-1999. indhool.
 
3. Kadibna Cabdul casiis Bin Cabdulaahi Aala sheikh ayaa loo magacaabay 1999. indhool.
Muftiga Sucuudiga waxaa la yiraa waa Madaxa Golaha Sare ee Culumada iyo kuwa hoos tago. waa madaxa Daraasaadka Islaamka iyo soo saaraha Fatwada u adeegee Madaxda Dalka. ” Sida hadaba ey culuma Somaliya isugu magacaabayaan magac kaa u eg, in ey yihiin Madaxda culumada, ma Boqorkaa soo magacaabay mise waa xil jeclo?”.
 
Wasiirka warfaatinta Isreal Ayoub Kara ayaa u mahad celisay Muftiga Sucuudiga ee hadda joogo markii uu Xamas ku tilmaamay Urur Argagixiso ah, waxana uu Wasiirka yuhuudu yiri: Muftigu waa madax Culumada islaamka oo dhan.
 
kadib markii Muftigu yiri: waa mamnuuc in yuhuudda lala dagaalamo ama la dilo. Hadalkaa oo ku beegnaa markii Xamas ey ka falcelisay weerarkii Yuhuudu ku qaaday Masjidka barakeysan ee Al aqsaa. wasiirku waxa uu yiri: waxaan ku casuumeynaa Muftiga Islaamka Dalka Isreal, waxaana u soo dhaweyneynaa si heer sare ah.
 
Aragtida Muftiga ku nool Qasri Boqortooyo, waa aragti ka duwan Aragtida ey qabaan Muslimiin Badan oo Caalamka ku nool, sida Aragtida Culumada Somalida ee Hotelada ku nool ey uga Duwantahay Aragtida ey qabaan Culumo badan oo Somaliyeed oo iyaga ka Cilmi badan. Culimada Hoteladu kama Hadlaan Wadamada Deriska ee Colaadu nagala dhexeeyso, Haddaan Dowladu u fasixin.
 
Maxaa loogu xulaa, Muftiga Sucuudigu in uu Noqdo, Indhool wahaabi ah kana soo jeedo Qoyska Aala Sheikh ee Asaasihii wahaabiyada. Somaliyana Culumada Qalbiga la’ ee Hotelada degan, Dadkana aan soo dhax galin.
 
FG:Iga raali ahoow, Culumada ma necbi ee waxaan jawaab u waayay Su’aasha aan ku weydiiyay. Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka dhiman ku dar.
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip