Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare oo ka bilaabatay Jowhar

0
Monday September 13, 2021 - 12:00:39 in Wararka by
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare oo ka bilaabatay Jowhar

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxa Jowhar ka bilaabatay dhagaysiga khudabadaha murashaxiinta u tartamaysa 8 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka. Sideeda kursi waxa ku tartami doona 27 murashax oo 5 kamid ah ay yihiin haween.

     Kuraasta qaar waxa ku tartamaya rag iyo dumar, halka kuraasta qaarna ay midkiiba ku tartamayaan 5 illaa afar murashax taasoo wax badan ka duwan doorashadii xildhibaannada Aqalka Sare ee Horey uga dhacday maamul goboleedyada kale oo intooda badan loo xiray rag iyo dumar ku dhaw madaxda maamul goboleedyada.

 

      Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa qaatay go’aan ah in cid kasta oo doonaysa inay u tartanto kuraasta Aqalka Sare ee shuruudaha buuxisa uu ku soo daro liiska halkii loo xiri lahaa xubnaha qaar, taasoo daneeyayaasha doorashada Soomaaliya ay aad u soo dhaweeyeen.

       Berito ayaa la filayaa inay bilaabato doorashada sideeda kursi, waxana u codeyn doona xildhibaannada Barlamaan goboleedka Hirshabeelle.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip