Daalibaan Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Eedaymo Ay Qaramada Midoobay U Soo Jeedisay

0
Sunday September 12, 2021 - 23:34:35 in Wararka by
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daalibaan Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Eedaymo Ay Qaramada Midoobay U Soo Jeedisay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ururka Daalibaan oo hadda isu bedelay Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa ka hadlay eedeymo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa meesha ka saaray eedaymaha Qaramada Midoobey ee sheegaya in kooxda xagjirka ah ee Al Qaacida ay dhaqdhaqaaq ka wado Afghanistan, isagoo ku tilmaamay sheegashadaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Sohail Shaheen (oo la hadlay warbaahinta Pakistan, GEO) ayaa sheegay in Taalibaan ay ilaalin doonto ballanqaadkooda heshiiskii Doha (oo sannadkii hore lala saxiixday Mareykanka) si looga hortago in Afghanistan loo adeegsado saldhigga weerarrada dalalka kale.



Wuxuu ka hor yimid warbixinadii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay dhowaan soo jeediyeen ee ahaa in xubno ka tirsan Al Qaacida ay joogaan ku dhawaad ​​kala bar gobollada Afghanistan.

"Warbixinnadani waxay ku salaysnaayeen warar been abuur ah oo ay bixiyeen kuwa naga soo horjeeda,” ayuu yiri.

"Mustaqbalka, xoogagga amniga iyo sirdoonka Taalibaan waxay noqon doonaan kuwo firfircoon,” ayuu raaciyay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip