NISA ma waxa ay raacdaa xeerkii dowladdii Kacaanka mise heshiiskii 2004-ka?

0
Sunday September 12, 2021 - 23:21:23 in Wararka by
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA ma waxa ay raacdaa xeerkii dowladdii Kacaanka mise heshiiskii 2004-ka?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Abukaate Sakariye Yuusuf oo wax ka qoray dastuurka Soomaaliya ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inuusan xeer lagu dhaqo u dajin hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA taasoo uu ku sheegay sababta khilaafka ka taagan hey’adda.

Abukaate Sakariye oo ka qeybgalay dood ay qabatay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuusan kala garaneyn illaa hadda xeerka lagu dhaqo hey’adda NISA haddii uu yahay midkii Siyaad Barre iyo haddii uu yahay midkii lagu heshiiyey sanadkii 2004.

"Haddii hey’adda lagu dhaqayo xeerkii Maxamed Siyaad Barre waxaa la raacayaa xeer la yiraahdo lambar-14 oo ah mid uu jideeyay golihii kacaanka Sare ee 1970-kii, ee uu saxiixay Gudoomiyihii Golahaas” ayuu yiri Abukaate Sakariye.

"Haddii la yiraahdo Wasiirka Amniga ayey hoostageysaa, waxaa la raacayaa heshiiskii lagu gaaray Kenya ee lagu dhisay dowladdii 2004 ee Federaalka ahayd”, ayuu BBC Somali u sheegay Abukaate Sakariye.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu sidoo kale dastuurka dalka u ogolaanayo inuu xilka ka qaado ama u magacaabo xubanha Xukuumadda balse looga baahan yahay inuu ogolaansho iyo soo jeedin ka heysto Ra’isulwasaaraha.

NISA ma waxa ay raacdaa xeerkii dowladdii Kacaanka mise heshiiskii 2004-ka?

XIGASHO:CAASIMADDA.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip