Rooble oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0
Sunday September 12, 2021 - 22:53:55 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta hadal ka jeediyey kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa QM iyo beesha caalamka ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyey sida ay ugu taageereen in baaritaan sax ah lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kulankaas ka sheegay inuu aad uga xunyahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray, xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Isagoo balan qaaday inuu dadaal ku bixin doono ka hortagga xiisad ka dhalata khilaafka u dhaxeeya xafiisyada ugu sareeya dalka, isla markaana uu xaaladaha taagan u maareyn doono si xilkasnimo iyo miyir leh.

"Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay Rooble in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka, dadka Soomaaliyeed-na uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diirad saaridda doorashooyinka dalka ka socda.

"Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado,” ayuu yiri.

    Ra’isul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in kiiska Ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.

"Kiis Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip