Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay Doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar

0
Sunday September 12, 2021 - 21:51:40 in Wararka by
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay Doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ka qeyb galayay kulan Gollaha Wadatashiga Qaranka la qaateen Ku-xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobey Aamina Mohamed ayaa ka hadlay Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maalinta berri oo Isniin ah ay Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ee Hirshabeelle ay Khudbadahooda Musharraxnimo u jeedin doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in doorashada Hirshabeelle ay 33 Musharax ku tartamayaan, kuwaas oo 28 ka mid ah ay qaateen shahaadada, wuxuuna caddeeyay in labada maalin ee soo socota ay dhici doonto doorashada Aqalka Sare.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu tilmaamay in sababta dib u dhac yar ku keentay Hirshabeelle in ay tahay doorashada oo ka duwan, kuwa Dowlad Goboleedyada kale oo kuraasta la furay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa maalmo kahor soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta, waxaana doorashada ka dhaceysa Magaalada Jowhar ay tahay mid ay ku loolami doonaan Musharaxiin badan oo ay ku jiraan todoba haween.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip