Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab.

0
Sunday September 12, 2021 - 15:56:16 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Ciidanka Kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen       degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen degaannada kala ah, Ceeldheer Macalin, Jameeclo Jiliyaale, Gamboole, Masiireey iyo Boqol Gaani oo ka wada tirsan Goboka Shabeellaha Dhexe.

      Sidoo kale saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku buriyeen Maxkamad ay lahaayeen Al-Shabaab, Goobo ay dadka lacagaha uga qaadi jireen, Isbitaal ay Xubnaha ka tirsan ku daaweyn jireen iyo Goobo kale.

      Sidoo kale Ciidanka DANAB oo howlgalkooda sii wata ayaa gaaray degaanka Fiidow oo ku yaal xadka kala qeybiya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo awood badan ay ku lahaayeen Al-Shabaab balse ay Ciidamada dowladda deg deg kula wareegeen.

      Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada DANAB ay weli howlgallada ka wadaan degaannada katirsan Gobolada shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kasoo qaadi jireen Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip