Britain oo meesha ka saartay in baasaboorka tallaalka korona lagu soo rogi doono England.

0
Sunday September 12, 2021 - 16:54:04 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Britain oo meesha ka saartay in baasaboorka tallaalka korona lagu soo rogi doono England.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xoghayaha caafimaadka ee Britain Sajid Javid, ayaa meesha ka saaray in baasaboorka tallaalka coronavirus lagu soo rogi doono England.

Wuxuu BBC -da u sheegay inuusan horay u jeclayn fikirka ah in dadka lagu amro inay wataan baasabooradooda si ay u tagaan maqaayadaha ama goobaha lagu caweeyo.

Balse wuxuu yiri cudurka safmarka weli ma tagin oo baasaboorada tallaalka waa in la keydiyaa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ka weecatay arrintan. Baasaboorada caafimaadka waxaa loogu talagalay in lagu muujiyo in dadku aysan qabin safmarka Covid-19.

Sajid Javid ayaa BBC -da u sheegay: "Ma ahan inaan wax u sameyno danteeda aawadeed.”

"Waan ku faraxsanahay inaan dhaho ma sii socon doono ama aan joojiyo.” Waxaa loo malaynayay in qorshahan oo dhaleeceyn kala kulmay xildhibaannada qaarkood la soo bandhigi doono dhammaadka bishan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip