Booliska Kenya oo ka hadlay xariga falanqeeye Cabduwahaab

0
Sunday September 12, 2021 - 16:33:20 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya oo ka hadlay xariga falanqeeye Cabduwahaab

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

      Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay billaabeen baariraanka kiiska Cabduwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah falanweeye, kaas oo dhawaan la afduubtay muddo dhowr maalmood ahna maqan.

     Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, oo la kulmay Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa ballan-qaaday baaritaanno lagu xaqiijinayo


halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab
Sheekh Cabdisamad ay billaabeen, isla markaana ay rajeeynayaan inay heli doonaan halka uu ku dambeeyay.

 

      "In ka badan 48 saacadood tan iyo afduubkii Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, waxaan dib ugu laabaneynaa Bartamaha Ganacsiga ee Nairobi oo ku teedsan wadada Turbman oo markii ugu
dambeysay lagu arkay ayuu yiri” George Kinoti.

     Warbaahinta Kenya gaar ahaan telefishinka Citizen, ayaa shaaciyay in falan qeeye
Cabdiwahab goobt uu kunsugnaa uu kula kulmay
dad aan la garanayn "kuwaas oo ku qasbay
inuu raaco gaari qafilan oo ku sii jeeday
dhanka degaanka Muindi Mbingu Street, sidaasina lagu afduubtay.

     Dhamaan hoggaanka Sare eeMuslimiinta
Kenya iyo kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ay raadinayaan markhaatiyaal, sida arrinta loo cadeeyo, hayeeshee Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in muddo 7 maalmood gudahood ah uu jawaabo ku heli doono halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

      



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip