Rooble oo warbixin siiyey QM, kuna adkeystay mowqifkiisa
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Marwo Amina Jane Momamed.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga Qaramada Midoobay la wadaagay horumarrada laga gaaray howlaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in ay noqdaan kuwo nabdoon, daah-furan oo aan cidna lagu xad-gudbin, isagoo tilmaamay in inta badan dowlad-goboleedyadu soo dhammeystireen doorashada xubnaha Aqalka sare ee BFS.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka, arrintaas oo u magacaabay guddi gaar ah oo u qaabilsan.
"Waxaa naga go’an in doorashadu ku dhacdo xilligii loo qorsheeyay, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelan arrimaha kale ee jira,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in uu rajeynayo in maalmaha soo socda ay bilaabato doorashada xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland.
Rooble ayaa sidoo kale ku adkeystay inay ka go’an tahay in qoyska Ikraan Tahliil ay caddaalad helaan, xilli ay isaga iyo Farmaajo isku fahmi waayeen arrintan.
Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa xalay burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo.
Rooble oo warbixin siiyey QM, kuna adkeystay mowqifkiisa
...