Xasan Xundubay oo sheegay inuu soo bandhigayo waxyaabaha ay isku qabteen Raysal wasaare Rooble

0
Sunday September 12, 2021 - 13:12:17 in Wararka by
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Xundubay oo sheegay inuu soo bandhigayo waxyaabaha ay isku qabteen Raysal wasaare Rooble

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale ayaa sheegay inuu khamiista soo socota oo ku beegan 16 september uu soo bandhigidoono waxyaabaha ay isku qabteen isaga iyo raysal wasaare Rooble.
Wasiir Xundubay oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inuu maalintaas uu qaban doono shir jaraaid oo uu uga warbixin doono waxyaabaha ay isku qabteen raysal wasaare Rooble.

Maalmo ka hor, wasiir Xundubay wuxuu sheegay in raysal wasaare Rooble uu shaqadiisa ku haystay islamarkaana dad xafiiskiisa ka socday ay wasaaraddiisa amniga faro galin ku hayeen.


Raysal wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiir Xundubay, waxaana lagu bedelay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo katirsan dadka sida xooggan u mucaaradsan madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga qudhiisa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista wasiirka amniga, balse raysal wasaare Rooble taas kama hor istaagin inuu wasiirka uu magacaabay la wareego xilkiisii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip