Weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen Taliye iyo Ciidamo

0
Sunday September 12, 2021 - 11:12:57 in Wararka by
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen Taliye iyo Ciidamo

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka aan ka heleyno duleedka degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday gaari uu watay Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore.

Dad ayaa ku warramay in rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerarka Jad-galka ku qaadeen gaari nooca raaxada oo uu watay Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Galmudug iyo Askar nabadsugid ah oo la socday.

Weerarka oo sigaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa Godinlabe iyo Cadaado ee Galgaduud ayaa waxaa la sheegay in uusan geysan wax khasaaro ah, waxaana la tilmaamay in raga hubeysan ay doonayeen in Taliyaha iyo Ciidanka la socday ay ka furtaan hub ay u wadeen Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Taliye Najiib Xirsi Dhoore iyo Ciidanka Nabadsugid ayaa dagaal kooban la galay raggii weerarka kusoo qaaday, waxaana burbur la gaarsiiyay gaariga ay la socdeen Taliyaha iyo Ciidanka oo ku sii jeeday Dhuusamareeb.

Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa ka dhacay weeraro lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, weerarka qaarkood ayaa geystay khasaaro kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip