Khilaafka Farmaajo iyo Rooble: Yaa ku howlan heshiisiinta madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha?

0
Saturday September 11, 2021 - 23:25:35 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Farmaajo iyo Rooble: Yaa ku howlan heshiisiinta madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha?

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Xiisad siyaasadeed oo culus ayaa ka billaabatay Soomaaliya kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada mas'uul ee ugu sarreysa dalka, oo kala ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa hadda socda waanwaan lagu dhexdhexaadinayo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa billaabay dadaal xooggan oo ujeeddadiisu tahay in xal loo helo muranka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, si dalka oo markii horeba nuglaa looga badbaadiyo xasarado hor leh.

Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Labada mas'uul ee ugu sarreeya dalka ayaa isbuucan gudihiisa labo jeer isku dhacay, iyagoo si shaac baxsan isugu qabtay shaqo ka fariisin iyo shaqaaleysiin ay ka kala sameeyeen laamaha amniga gudahooda.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa si weyn u soo shaac baxay isbuucan

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA  Qoraalka sawirka,

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa si weyn u soo shaac baxay isbuucan

Beesha Caalamka ayaa ka walwalsan in Soomaaliya uu ka qarxo qalalaase ku qotoma awoodda xilalka ugu sarreeya dowladda.

Dadaal dhexdhexaadin ah

Balse xildhibaan la hadlay AFP ayaa Jimcadii sheegay in dhowr siyaasi ay u istaageen xallinta muranka Farmaajo iyo Rooble.

"Waxaa jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxda maamul goboleedyada qaarkood oo soo faro geliyay xaaladda... waxayna billaabeen dadaallo lagu dhexdhexaadinayo madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha", ayuu yiri xildhibaan Cabdifataax Maxamed.

"Waxaan rajeynayaa in lasoo afjari doono isku dhaca siyaasadeed," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa la aaminsan yahay in madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye "Qoor-Qoor" iyo dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed "Laftagareen".

Labada siyaasi ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka hoggaamiyeyaasha uu aad usii xoogeystay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen (bidix) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV   Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen (bidix) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa ka billowday markii uu Ra'iisul Wasaaraha shaqada ka eryay agaasimihii hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Tallaabadaas ayaa daba socotay markii la waayay gabar u shaqeyn jirtay Sirdoonka Soomaaliya oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax.

Hay'addaas ayaa warbixin ay maalmahaas gudahooda soo saartay ku sheegtay in Ikraan ay dileen kooxda Al-shabaab, eedeyntaas oo kooxdaasina ay u beenisay si aan looga baranin.

Balse madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid go'aanka uu Rooble shaqada uga eryay Fahad Yaasiin, isagoo markii dambena usii dallacsiiyay jagada la-taliyahiisa amniga qaranka.

Rooble oo taas ka jawaabayay ayaase madaxweynaha ku eedeeyay "inuu hor istaagayo" baaritaanka ku saabsan gabadha la waayay. Saqdii dhexe ee habeennimadii Arbacadana waxa uu Ra'iisul Wasaaruhu shaqada ka eryay Wasiirkii Amniga Gudaha oo uu ku baddalay siyaasi eedeyn jiray Farmaajo.

Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha ayaa eedeymo isu mariyay hawada

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV   Qoraalka sawirka,

Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha ayaa eedeymo isu mariyay hawada

Sarkaal xiriir dhow la leh xafiiska Farmaajo ayaa AFP u sheegay in uu hadda socdo dadaalka waanwaanta ah ee labada mas'uul la isugu keenayo miiska wadahadalka. Waxa uu xaqiijiyay in ay howshaas hoggaaminayaan madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Halista soo wajahday doorashada

Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay kaddib markii isbahaysiga Mucaaradka oo bayaan soo saaray Jimcadii ay sheegeen "in ay taageersan yihiin Ra'iisul Wasaaraha", iyagoo madaxweynahana ku cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday.

Murankan ayaa khalkhal galinaya doorashada horayba waqtigeeda uga dib dhacday, waxaana suuragal ah inuu dib u dhac kale usii keeno.

Muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaaday bishii February, balse bishii Aril waxaa muddo kordhin u sameeyay baarlamaanka, taasoo sababtay qalalaase siyaasadeed oo khasaare ka geystay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Rooble ayaa markaas kaddib loo igmaday inuu doorashada hoggaamiyo, iyadoo meesha laga saaray go'aankii muddo kordhinta dowladda.

Wajiga labaad ee doorashada, oo ku dhisan codeyn dadban, ayaa la filayaa in lagu soo doorto xubnaha Golaha Shacabka inta u dhaxeysa 1-da bisha October ilaa 25-ka bisha November.

Laakiin ma cadda xilliga ay baarlamaanka soo doora doonaan madaxweyne.

XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip