Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo Afduub loogu gaystay dalka Koofur Afrika.

0
Saturday September 11, 2021 - 19:34:04 in Wararka by
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo Afduub loogu gaystay dalka Koofur Afrika.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhay dilalka iyo Afduubka loo geysanaayo ganacsatada Soomaaliyeed eek u sugan dalka Koonfur Afrika, waxaa wali la’ yahay qaar ka mid ah oo la aaminsan yihiin in ay afduubteen kooxo burcad ah.


Gaanacsade soomaali ah ayaa lagu afduubtay magaalada johannesburg , kaasoo lagu Magacaabo bukhaari cali daahir .

kooxda dableeyda ee afduubka geeystay ayaa inta aysan ganacsadaha gacanta ku dhigin ku riday dhowr xabadood inkastoo aysan wax khasaara ah geysan

Lama ogo sababta ka dambeeysa afduubka ganacsadaha hasa ahaate waqtiyadii ugu dambeeyay afduubk wuxuu ahaa mid so laab laabtay

Booliska magalaada Johannesburg ayaa baaraya dhacdada, afduubka ee loo geystay ganacsadaha Soomaaliyeed .

Sidoo kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dallaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.


Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal ayaa lagu hor toogtay dukaankiisa oo kuyaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip