Cabdiqaasim Salaad oo Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in khilaafka la joojiyo
Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday in laga gudbo khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Radio Shabelle ayaa yiri "Waxaan rajeynaynaa in khilaafku joogsado, dadkuna doorasho xalaal ah ay galaan oo xaq ah, ciddii dan u arkaana ay doortaan.”
Mar wax laga weydiiyay sida khilaafka taagan looga gudbi karo ayaa waxa uu ku jawaabay "Waxaa looga gudbi karaa in khilaafaadka la’iska daayo, sida sharciga ama dastuurka uu qabana in doorasho la galo.”
Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho daahfuran.
"Waxaan ugu baaqayaa shacabka inaanay cid la safaninee, laga codsado ciddii is haysataa, iyadoo heshiis la yahay oo Madaxda Qaranka iyo dadkuba ay heshiis yihiin in doorasho xalaal ah la galo.” Ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad.
Cabdiqaasim Salaad ayaa intaa ku daray "Sidaan horey uga barinay Ilaahay, haddana waan u baryaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka qaado culeys kastoo haysta. Dhibka muddada badan soo haystay inuu ka qaadaa Ilaahay uga rajeeyaa, waana u duceeyaa.”
Cabdiqaasim Salaad oo Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in khilaafka la joojiyo
,,,