Daawo: Musharax u taagnaa kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo caawa tanaasulay

0
Saturday September 11, 2021 - 22:08:28 in Wararka by
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Musharax u taagnaa kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo caawa tanaasulay

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Xaaji Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa xubnaha isku soo taagay inay u tartamaan kursiga Aqalka Sare ee afrtii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa caawa sheegay inuu ka tanaasulay ka qeyb galka tartankaas.

Shan musharax oo kala ah, Xaaji Muuse Suudi, Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci, Xasan Cadaay Cali iyo Xaaji Muxidiin Xasan Afrax ayaa lagu shaaciyey liiskii tartamayaasha ahaa ee uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, balse hadda waxaa tartanka isaga baxay Muxidiin Xasan Afrax.

"Mar hadii halkaan kursi la isugu yimid oo meesha la isku cariiriyey, waa in tanaasul yimaadaa, inteenaas hadaan saf u galno hal kursi, waxaan is tusay in culeys ka imaanayo,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax.

Shacabka ku nool magaalada Jowhar, madaxda maamulka iyo xubnihii ku garab siinayey inuu u tartamo kursigaas ayuu Xaajigu aad ugu mahad celiyey.

"Waxaan idiin cadeynayaa inaan dib ula laabtay rabitaankeygii kursigaas Aqalka Sare, madaweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka iyo mas’uuliyiinta reer HirShabeelle waa isoo dhaweeyeen, waana rabeen inaan tartamo, laakiin isku tanaasul la’aanta markii aan arkay ayaan tanaasulay, qofkii guuleystana waan la shaqey doonaa,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa todobaadkii hore shaaciyey liiska musharaxiinta u tartameysa 8-da kursi ee Jowhar lagu dooranayo, kuwaas oo gaarayey 32-xubnood, balse Xaaji Muxudiin ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay oo ka tanaasulay tartanka mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag ee taalla HirShabeelle, kaas oo ah kursigii uu ku fadhiyey Xaaji Muuse Suudi.

Daawo: Musharax u taagnaa kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo caawa tanaasulay



Hoos ka daawo Xaaji Muxudiin Afrax

 

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip