Xildhibaan fashiliyey qorshe culus oo uu wado MURSAL

0
Thursday September 09, 2021 - 07:14:11 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan fashiliyey qorshe culus oo uu wado MURSAL

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo haatan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa fashiliyey qorshe culus oo uu wado guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna shaaciyey inuu doonayo in shir deg deg ah uu isugu yeerayo xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaan Idiris oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa tilmaamay in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu farriimo u diray qaar ka mid ah xubnaha golaha, taas oo ku aadan shir deg-deg oo uu yeelanayo baarlamaanka dalka.

"Waxaan arkaayey farriimo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu soo diray uu ku leeyahay shir deg-deg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa baarlamaanka iskuugu wacay,” ayuu yiri.

Idiris ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in haatan Mursal uu shir isugu yeero baarlamaankii 10-aad, iyada oo kii 11-aad laga soo doortay 29 Senatar, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan jirin fowdo ka weyn oo dalka la gelin karo, marka la eego tallaabada uu qaadayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed.

"Waa nasiib darro aad u weyn in guddoomiyihii golaha shacabka hadda baarlamaankii 10-aad uu iskuugu yeero, baarlamaankii 11-aadna 29 senator ay dooran yihiin oo ay bannaanka joogaan marka taa fowda ka weyn oo dalka la gelin karo ma jirto,” ayuu raaciyey.

    Ma shaacin xildhibaanku waxyaabaha looga hadlayo kulanka uu sheegay in baarlamaanka uu isugu yeerayo Mursal, balse wuxuu hadalkiisa kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto xiisad xoogan.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, waxaana labada xafiis ay haatan qaadayaan tallaabo uu midba mid kale ku weerarayo.

Xildhibaan fashiliyey qorshe culus oo uu wado MURSAL




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip