Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo ka cuslaan doono khilaafyadii hore

0
Thursday September 09, 2021 - 13:43:26 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo ka cuslaan doono khilaafyadii hore

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Shaqo joojinta Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble uu ku sameeyay Taliyihii Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xudun u noqotay khilaafka toddobaadkan soo ifbaxday ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Madaxweynaha ayaa shaqo joojintaasi ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka, isagoona Fahad Yaasiin faray inuu sii wado shaqada Hay’adda NISA, waana xilli Fahad Yaasiin aanu keenin warbixin dhameystiran oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ee Sabtidii lagu wargeliyay in muddo 48 saac uu ku keeno.

Madaxweynaha ayaa war uu Talaadadii soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu aqbalay istiqaalada uu u soo gudbiyay Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee NISA, isagoona Yaasiin Cabdullaahi Maxamed (Yaasiin Farey) si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA, taasoo uu gaashaanka u daruuray Ra’iisal Wasaare Rooble.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa ku sheegaya inaanu khilaafka labada masuul heerkan gaari laheyn, haddii aanay Villa Somalia lama taabtaan u arki laheyn Fahad Yaasiin oo galaangal muuqdo ku leh Madaxtooyada, saamayna ku leh siyaasadda dalka.

Maxamed Cabdi Cumar oo ah barre wax ka dhigga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in khilaafkan uu ka duwan yahay khilaafyadii horaan soo kala dhexgalay dhinacyada siyaasadda ee dalka. Waxa kaloo uu sheegay in khilaafkan uu ka adkaan doono kuwii hore.

"Khilaafka hadda taagan wuu ka duwan yahay kuwii hore, caqabadaha hore waxay ka taagnayd mucaaradka iyo dowladda, oo doorashada sidaad rabto ha u dhigin, si hufan ha u dhacdo iyo u dhici mayso, hadda gudaha ayuu khilaafkii soo kala dhexgalay, marka kani kii hore wuu ka ballaaran yahay, wuu ka saamayn badan yahay, wuuna ka dhib badan yahay, wuuna ka culus yahay.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar oo u waramay BBC.

Mar wax laga weydiiyay saamaynta uu khilaafkani ku yeelan karo doorashada ayuu hoosta ka xariiqay in khilaafka haatan soo kordhay uu saamayn mug leh ku leeyahay doorashadii la fillayay.

"Doorashadii ayaa mar dhow la sugayay in horey loo galo, marka arrintan hadda soo cusboonaatay doorashada waxay ku leedahay saamayn baaxad leh, sababta ay saamaynta ugu yeelanayso waxaa ka mida in waqtigii la gelin lahaa doorashada iyo qaabkii horey loogu socon lahaa waqtigaasi in la gelin doono is jiidjiid kale iyo dagaal, oo aanan ku saleysneyn doorashadii.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Maxamed Cabdi ayaa qaba in khilaafkan uu dabka ku sii shidi doono is qabqabsi ay suurtagal tahay inuu ka soo kordho hirgelinta doorashada.

"Doorashada ayada laftigeeda dagaalo badan iyo is riixriix badan ayaa ka imaan lahaa, is riix-riixaas ayaa laga yaabi lahaa inuu mararka qaar waqti sii qaato oo dib u sii dhigo, marka hadda waxay noqonaysaa kii ayadoo la gaarin mid kaloo cusub oo qalalaase ah oo wadankii oo dhan ku jiro, oo dhankii amniga iyo meelo badan ay wax ka saamaynayaan in uu dib u dhaco. Mar kasta oo is qabsashadu ay sii fogaatana, waa mar kastoo doorashada ay dib u sii dhacdo, ficil ahaana waa wax iska muuqdo, haddii aan hadda si dhakhsa ah loo xalinin, mar walba waqtiga wuu sii siyaadayaa, dib ayayna u sii dhici doontaa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Maxamed Cabdi ayaa ku waramaya in khilaafka taagan looga gudbi karo Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha oo midkood ka tanaasulo waxa khilaafkaasi dhaliyay.

Rooble ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii ay cadaalad ku heli laheyd gabadha ka tirsaneyd Hay’adda NISA, ee hay’addu sheegtay inay u gacan Shabaabka, ka dibna ay dileen, warkaas oo noqday mid aan lagu qancin.

Marka laga soo taggo juhdiga uu Rooble ku bixinayo in qoyska Ikraan Tahliil ay cadaalad helaan, haddana aragti uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa in bulshada badankeed ay daneynayso in sharciga la horkeeno kuwii dilay gabadhaasi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip