Fahad Yasiin iyo NISA: Nolosha Mukhtaar Roobow oo "walaac laga muujiyay" ka dib khilaafka hay'adda sirdoonka

0
Wednesday September 08, 2021 - 22:19:43 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahad Yasiin iyo NISA: Nolosha Mukhtaar Roobow oo "walaac laga muujiyay" ka dib khilaafka hay'adda sirdoonka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Xisbiga amniga iyo cadaaladda ayaa walaaca ka muujiyay xaaladda nolaleed ee sheekh muktaar Roobow oo u xiran dowladda Soomaaliya gaarhaanna hadayda nabad sugida xili haydda xaalkeeda uu ka jiro jahawareer.

Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) wuxuu dowladda Federaalka ee Soomaaliya u xiran yahay muddo ka badan 2 sano.

Xiritaanka Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo las oo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Qoraalka sawirka,

Mukhtar Robow xiligii uu katirsanaa Al Shabaab

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Sababta loo xiray

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow oo horay u ahaan jiray hogaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab, ayey mas'uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedaas.

Wuxuu Baydhabo u tagay inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu socday ololeheeda.

Xukuumadda federaalka waxay sheegtay in sababta ay uga mamnuucday inuu tartamo doorashadii Koonfur Galbeed ay aheyd, arrin la xiriirta xayiraado ka saaran dhinaca beesha caalamka, kuwaas oo aan laga qaadin.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.

Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.

XIGASHO:- BBC.COM/SOMALIA


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip