Khilaafka Farmaajo iyo Rooble: Maxay tahay shaqada la-taliyaha amniga ee madaxweynaha?

0
Wednesday September 08, 2021 - 23:43:34 in Wararka by
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Farmaajo iyo Rooble: Maxay tahay shaqada la-taliyaha amniga ee madaxweynaha?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimaha Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay inuu noqdo la taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha. Haddaba muxuu qabtaa qofka haya shaqadaas? Warbixintan ayaan ku eegeynaa.

     Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay inuu aqbalay "iscasilaadda agaasimihii Sirdoonka Qaranka, uuna ka dhigay la taliyihiisa dhinaca amniga.

      Dad badan ayaa su'aalo iska weydiinaya waxa ay noqon karto shaqada cusub ee Fahad Yaasiin, oo muranka xafiiskiisa ka dhashay uu dhaliyay hadal heynta ugu badan ee ka jirta Soomaaliya.

     Markii uu soo if baxay khilaafka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaa xuddun u ahaa xilka agaasimaha HSNQ, kaas oo Ra'iisul Wasaaraha uu shaqo joojin ku sameeyay.

     Xiisadda siyaasadeed ayaa ka billaabatay arrinta ku saabsan 'dilka' Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Sirodoonka Soomaaliya, inkastoo aan wali meydkeeda la helin.

Maxay tahay shaqada la-taliyaha amniga ee Madaxweynaha?

.

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO DALSAN

La-taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha waxa uu ka mid yahay xubnaha ku dhow xafiiska mas'uulka ugu sarreeya dalka, wuxuuna ka mid yahay dhowr la taliye oo qaabilsan arrimokala duwan.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah ayay madaxweyneyaashooda waxay leeyihiin la taliyeyaashaas, oo ah shakhsiyaad ay soo xushaan ama xisbigooda ka tirsan.

Sida aan kasoo xigannay xarunta cilmi baarista waxbarashada Mareyknaka ee Mastersclass, xilkan waa mid aad muhiim ugu ah xafiiska madaxweynaha.

Shaqada la-taliyaha amniga

Howsha la taliyaha amniga waa:

  • Inuu madaxweynaha ka caawiyo go'aan qaadashada la xiriirta arrimaha amniga qaranka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, gaar ahaan amuuraha khuseeya amaanka.
  • Inuu soo diyaariyo xogta kooban ee madaxweynaha laga siiyo arrimaha amaanka qaranka ee markaas taagan iyo qorsheyaasha.

Marka laga soo tago inuu talooyinka noocaas ah siiyo madaxweynaha, waxa uu la taliyaha amniga xubin ka yahay Golaha Amniga Qaranka, sida ay dalal badan sameeyaan, oo uu ku jiro Mareykanka.

Golaha amniga Qaranka waxaa hoggaamiya madaxweynaha oo uu garab taagan yahay la taliyihiisa - oo saameyn weyn ku leh go'aannadiisa - wax badanna tusaaleeya.

.

XIGASHADA SAWIRKA,NISA

Madaxweyneyaasha ayaa xor u ah in ay xilkaas u magacaabaan qof ay ku kalsoon yihiin, inta badan dalalkana khasab ma aha in jagadan ay ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka midna.

Hase yeeshee, la taliyaha dhinaca amniga howlihiisa qayb kama aha arrimaha siyaasadeed ee gudaha iyo dibadda labadaba.

Qoraalka Codka,

Falanqeyn: Shaqada la-taliyaha amniga

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda xilkan loo magacaabay waxaa horayba loogu tilmaami jiray inuu yahay nin ay aad isugu dhow yihiin madaxweyna Farmaajo.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu qeexayay inuu ahaa shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, marka ay timaado go'aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha, inkastoo lagu kala qaybsanaa kaalinta uu ku lahaa dowladda.

Magacaabista Fahad waxay kusoo aadday xilli uu sii xoogeystay khilaafka labada mas'uul ee ugu sarreeya dalka, iyadoo beesha caalamkuna ay ku baaqeyso in la dajiyo xasaradda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya.

Jah wareerka siyaasadeed waxa uu yimid xilli ay Soomaaliya ku jirto jawi doorasho, lagana dhur sugayo qabsoomidda doorashada xubnaha baarlamaanka iyo ugu dambeyn midda madaxweynaha.



XIGASHO:-BBC.COM/SOMALIA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip