Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhageystay Guddiga Amniga G/Mudug ee Puntland

0
Thursday September 09, 2021 - 07:49:18 in Wararka by
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhageystay Guddiga Amniga G/Mudug ee Puntland

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Gaalkacyo ayaa Xalay warbixinta amniga ee Gobolka Mudug ka dhegaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Gobolka, horumarada laga sameeyay dhinaca amniga oo Dowladdu guulo ka gaartay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan Gobolka, wuxuuna laamaha amniga faray in lasii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo Saraakiisha laamaha amniga. Waxaa Madaxwdeynaha ku weheliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Xasan Shire Cabdi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip