Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda

0
Wednesday September 08, 2021 - 13:35:28 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee Habar Khadiijo oo kuna taalla degmada Shibbisee Mgaalada Muqdisho ayaa  waxaa haatan laga dareemayaa xiisad xooggan iydoo sidoo kale halaaksi dhaqaqaaq ciidan  ay ka jirto , sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

      Wararka ayaa sheegaya in ciidammo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa NISA lagu arkay agagaarka xarunta iyo waddooyinka laga galo xaruntaasi , iyaga  ciidamudu ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo.

      Sidoo kale saacado ka hor ayey aheyd markii barta Twitter-ka ee heyadda NISA lagu shaaciyey inuu si rasmi ah xilka ula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo uu xalay si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadayee Madaxmed Cbadullaahi Farmaajo .

      Xiisaddan ayaa daba socota khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo, kaas oo ka dhashay kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil Faarax.

      Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha ay ka socdaan dadaallo kale oo lagu doonayo in Bashiir Goobe lagu geeyo xarunta Heyadda NISA, taas oo keeni karta isku dhac, maadaama taliyihii Farmaajo magacaabay uu ku sugan yahay halkaasi.

     Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip