Siciid Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

0
Wednesday September 08, 2021 - 11:27:35 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siciid Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta gaaray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,iyadoo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

      Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Golle ee Puntland iyo Galmudug, Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshaweynta magaalada Gaalkacyo.

      Madaxweynaha Puntland oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa ujeedka safarkiisa Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu sheegay xarig jarka Garoonka Kubbada Cagta Cawaale oo hab casri ah loo dhisay.

     Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, isaga oo sidoo kale kormeer ku ku tegi doono dhismaha dekedda Garacad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip