Maamulka Waxbarashadda,iyo Tacliinta sare ee XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka

0
Wednesday September 08, 2021 - 15:47:41 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Waxbarashadda,iyo Tacliinta sare ee XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS ,C/laahi Abuukar Xaaji, Agaasime Goboleedka Hay’add UNESCO, Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa manta ka qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusaayey Xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka.

Hadal uu xafladdaasi ka jeediyay Wasiirka,waxa uu yiri”Waxaa Sharaf u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya in ay xusto munaasabadda maalinta caalamiga ee akhris-qoraalka oo sannad walba dunnida laga xuso maanta oo kale oo ku beegan 8da September

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS ,C/laahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya, ay ka go’an tahay inay dhiiri-geliso barnaamijyada kor loogu qaadaayo akhris-qoraalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan xirfadaha akris-qoraalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan dadaallada ay wadaan bah-wadaagta Waxbarashada ee looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in arday kasta oo Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay waxbarasho sida ku cad qodobka 30aad ee dastuurka Qaranka,

Wasiirka C/laahi Xaaji Abuukar ayaa u mahad celiyay Hay’adaha UNESCO iyo USAID oo dawladda Soomaaliya ka caawiyay xuska munaasabaddan qiimaha badan, iyadoo sidoo kale loo mahad celiyay hawl-wadeennada isku hawlay diyaarinta munaasabadda.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddda, Agaasimayaasha Waaxyaha, la taliyeyaasha iyo bahwadaagta Waxbarashada,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip