Labo sano jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay gobolka Minnesota

0
Wednesday September 08, 2021 - 08:23:28 in Wararka by
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo sano jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay gobolka Minnesota

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo aheyd labo jir Soomaali ah, isla-markaana la weysanaa 18-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ugu dambeyn meydkeeda laga helay haro biyo ah oo ku taalla magaalada Edina ee gobolka Minnesota.

Booliska Edina oo si weyn uga qeyb-qaatay raadinta Ikhlaas ayaa xaqiijiyey geerida gabadhaasi, waxaana Booliska uu sheegay in meykeeda laga helay agagaarka barxada lagu ciyaarsiiyo caruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay qoyskeeda.

Sidoo kale taliyaha booliska ee magaalada Edin ayaa tacsi u diray ehellada gabadha yar, isaga oo tilmaamay inay la xanuunsanayaan.

"Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadennaā€¯ ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne.

Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo labo sano jir aheyd ayaa sidoo kale la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan qoyskeeda.

Dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa iskugu yimid kulan duco ah, si ay tacsiga iyo xanuunka ula wadaagaan ehellada gabadha yar.

Minnesota waa gobolka ugu waraha badan ee dalka Mareykanka waxaana sanadkan biyaha ku geeriyooday 26 qof, sida ay shaaciyeen waaxaha booliska ee magaalooyinka dalkaasi

Labo sano jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay gobolka Minnesota




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip