Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan.

0
Wednesday September 08, 2021 - 16:02:01 in Wararka by
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Mareykanka ayaa sheegay inuu "ka walaacsan yahay dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan oo la tilmaamay in ay ku jiraan rag lala xiriirinaayo in ay ka qeyb-qaateen dagaladii looga horjeeday ciidamadii Mareykanka ee joogay dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay qiimeyneyso ku dhawaaqista Taalibaan ee dhismaha dowladdaasi oo la tilmaamay in aysan ku jirin wax dumar ah.

Golaha wasiirada ku meel gaarka ah waxaa hogaaminaya Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ku jira liiska madoow ee Qaramada Midoobay iyo ninka loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sirajuddin Haqqani, oo ay baadi –goobayaan Hoggaanka Baarista FBI ee Mareykanka.

Dhismaha dowlada cusub oo ka kooban 33 xubnood,waxaa ka mid ah Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiil uu dhalay Mullah Omar hoggaamiyihii hore ee Taalibaan,waxaana loo doortay Wasiirka Difaaca,halka Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay Hedayatullah Badri .

Amir Khan Muttaqi, oo Taliban u qaabilsanaa wadahadaladii waanwaanta ee ka socday Doha,ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afganistaam.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip