Pique: Waan Hubaa HORYAALKA Gacmaheena Ayuu Ku Jiraa Waana Difaacan Doonaa

0
Monday April 18, 2016 - 12:15:14 in Sports News by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pique: Waan Hubaa HORYAALKA Gacmaheena Ayuu Ku Jiraa Waana Difaacan Doonaa

    Daafaca dhexe ee koooxda Barcelona Gerard Pique ayaa sheegay inuu wali ku kalsoonayay in kooxdiisa ay hanan karto horyaalka iyagoo guulo gaaraya shanta kulan ee u hartay xili ciyaareedkaan inkastoo ay kaliya hal dhibic ka qaateen afartii kulan ee u d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca dhexe ee koooxda Barcelona Gerard Pique ayaa sheegay inuu wali ku kalsoonayay in kooxdiisa ay hanan karto horyaalka iyagoo guulo gaaraya shanta kulan ee u hartay xili ciyaareedkaan inkastoo ay kaliya hal dhibic ka qaateen afartii kulan ee u danbeysay.

Guuldaro 2-1 oo kasoo gaartay Valencia xalay ayaa keentay iney rikoorkoodii ugu xumaa ee guul la’aan ah tan iyo sanadii 2003 ay ku dhacdo kooxda Bluagrana ayaa keentay iney isku dhibco noqdaan kooxdii kaalinta labaad ku jirtay ee Atletico iney isku dhibco noqdaan halka ay dhibic ka sareeyaan Real Madrid.

Laakin Pique ayaa yiri "Waxaan isku aragnaa wali inaan nahay koox leh awood aan horyaalka ku qaadno, waxaan awood u leenahay inaan adkaano shanta kulan ee noo hartay, wax badan ayaan u baahanahay inaan sameyno sababtoo ah waxyaabo badan ayaa dhex wareegaya madaxeena, waa wax adag in la karo xidigaha oo dhaafaya wadooda, horumaradii u danbeeyay waa kuwo waa weyn laakin ma ahan kuwa joojinaya dhibaatadaan”.

Pique

"Wali waxaan nahaya kooxdii labo ama sadex todobaad ka hor, maskax ahaan waxaan nahay sidii hore, gacmaheena ayuu ku jiraa koobka ee ma aha inaan siideyno!”

Pique ayaa intaa intaa ku daray "Waan hubaa in koobka gacmaheena uu ku jiraa”

Barca ayaa kulankooda ugu soo horeeyay ee La Liga marti u noqon doona kooxda Deportivo La Coruna habeenimada arbacada ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip