Faysal Cali Waraabe "Somaliland haday shimbiri ku jabto Soomaali oodhan ayaa ka hadlaysa"

0
Tuesday September 07, 2021 - 21:42:44 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe "Somaliland haday shimbiri ku jabto Soomaali oodhan ayaa ka hadlaysa"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaalidu ay dacaayadayso Somaliland isla markaana ay buun buuniyaan qadiyadaha ka dhan ka ah, isagoo sheegay in ay adeegsadaan dad reer Somaliland ah.
        "Warbaahiyayaashi cadowga ayaynu noqonay, haday shimbiri ku jabto Somaliland Soomaali oodhan ayaa ka hadlaysa, hada guryahoodi way wada xunyihiin inaga ka guri wanaagsan, waa xasad, inaga qaar inaga mida ayay isticmaalayaan" ayuu yidhi guddoomiyuhu.


       Guddoomiyaha ayaa ku andacooday in dadka reer Somaliland anay ka hadlin waxyaabaha ka dhaca Soomaaliya, isla markaana wuxuu tusaale usoo qaatay dilka la sheegay in loo gaystay Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay'ada nabad sugida Soomaaliya ee NISA oo uu sheegay in reer Somaliland anay ka hadlin.

        "Hada inan baa jirta la waayay oo Ikraan la yidhaahdo oo reer Xamar ah, inan taaso qudha ayay sheegayaane waa 11 inta la waayay, miyaynu ka hadalnaa?, Jabuuti may ka hadashaa?, Jaabuuti maad aragteen? gaalo ayaa joogta, Jigjiga maad aragteen? gaalo ayaa joogta, Xamar iyada Liido oodhan ayaa lagu tuntaa, wax ka hadlaya maad aragteen?" ayuu yidhi guddoomiyuhu.

       Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Somaliland nadiif ka tahay waxyaabaha khilaafsan diinta Islaanka, taasi oo ay kaga horayso Soomaalida Geeska Afrika, lakin dadka Somaliland dhaleeceeya anay taa arkin.

      "Waddan keena oo nadiif ah oo qof timo qaawani aanu ku jirin, oo xashiish aan lagu cabin, oo khamrigu kontaraban kusoo galo, ayaa layna caayayaa, diintu markay Geeska Afrika imanaysay Saylac ayay kasoo gashee Xamar kamay soo galin" ayuu yidhi guddoomiyuhu

      Faysal ayaa marar kala duwan qaybo kamid ah Soomaalida ku eedeeyay in ay ka been sheegaan isla markaana buun buuniyaan waxyaabaha ka dhaca Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip