Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo

0
Wednesday September 08, 2021 - 07:30:26 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyey falalka uu ku kacay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baal-marsan dastuurka iyo sharciga dalka ud egsan.

Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu la-taliyaha amniga qaranka u magacaabay agaasimihii hore eee NISA Fahad Yaasiin, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu shaqo ka-joojin ku sameeyey.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii wuxuu Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali.

"Goluhu wuxuu u arkaa go’aanadaas inay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo cadaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lagu xagal-daacinayo doorashooyin daah-furan, waqtigooduna ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

"Goluhu wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqayaa inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,” ayey yiraahdeen.

Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip