Daawo: Muxuu Rooble ku sheegay khudbaddii uu maanta jeediyey?

0
Wednesday September 08, 2021 - 00:00:10 in Wararka by
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Muxuu Rooble ku sheegay khudbaddii uu maanta jeediyey?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey kulan is-cafis ah oo siyaasiyiinta reer waqooyi ee Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay kala hoggaaminayeen ay galabta ku qabsadeen Muqdisho ayaa u balan qaaday inuu ka hor istaagi doono cid kasta oo isku dayda inay ku sameyso boob doorasho.

       Rooble ayaa sheegay inuu kulankaas u soo watay Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar oo sida uu sheegay uu kalsooni ku qabo, isagoo siyaasiyiinta reer waqooyi u balan qaaday inuu u soo diri ciidanka ay ku kalsoonyihiin, sida booliska dalka ama AMISOM, si looga hor tago boob doorasho.

      "Waxaan diyaar u ahay inaan inka celiyo halaqa, dawacooyinka iyo dhurwaayada geesihiina taag-taagan, nidaamkiina raaca cid idin soo faro-geli karta ma jirto, anigana diyaar ayaan idiin ahay har iyo habeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

     Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyey rajo ah in xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay laga gudbi doono, isla markaana aysan jirin cid loo xanibnaanayo.

      "Waxaan u cadeynayaa shacabka mas’uuliyadda idinkaa noo dhiibtay idinkaan idiin shaqeynaa, qof kasta oo siyaasi ah oo dalkaan mustaqbal ka leh, waxaan u sheegayaa, inuu u hoggaansamo baahida shacabka, cid awooda si qaldan ugu takri fali karta ma jirto, horaa loo soconayaa, shacabku waa tashadeen, intaas la socda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

       Waxa uu sheegay in shaqada ugu horeysa oo uu qabanayo ay tahay doorashada kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, "Hadii ay daahdo idinkaa daahiyey hadii lagu dhaqsadana idinkaa dedejiyey ee soo diyaar garooba,” ayuu yiri.Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu kulankaas is-cafiska ahaa ka sheegay in habeeno badan uu u dhafray sidii uu u dhameyn lahaa khilaafkii siyaasiyiinta reer Somaliland.

        "Walaalahey reer Somaliland waxaan idinkula dardaraamayaa, hadii dowladda soo socta ay dhalato fadlan ku dadaalla inaad habraac sameysataan oo mar dambe aan la idin soo faro gelin, xaq maaha in qolo kasta markii ay xukunka qabsato la idinku wareero, tashada oo bilaha ugu horeeya nidaam degsada, si afar sano kadib aad doorashada ugu gashaan,” ayuu yiri RW Rooble.

Daawo: Muxuu Rooble ku sheegay khudbaddii uu maanta jeediyey?

              Hoos ka Daawo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip